Somali News
    Hees  

Kulan lagu qabtey Dalka Norwey oo lagu Taageerayey in Madaxweyne Shiikh Shariif in uu dib ugu soo laabto Kursiga

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan lagu qabtey Dalka Norwey oo lagu Taageerayey in Madaxweyne Shiikh Shariif in uu dib ugu soo laabto Kursiga

Waxaa Magaalada Oslo ee Wadanka Norway lagu qabtey Kulan ay ka soo qayb galeen Qaybaha kalka duwan ee Bulshada ku nool wadankaas, waxaana kulankaas looga hadley Xaalada kala Guurka ee ahaatan uu Dalka marayo iyo  Tartanka Doorshada Madaxweynimada Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 20 Bisha Agoosto, waxaana sigaar ah kulankaas Diirada loogu saarey Musharaxiinta ku tartameysa Doorashada Madaxweynimada Soomaaliya oo ay u taagan yihiin Siyaasiyiin fara badan.

Xubnihii ka hadley Kulankaas ayaa istusiyey in Madaxweyne Shiiklh Shariif uu yahay  Shaqsi u qalma in uu mar kale ku soo baxo Doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya waayo ayey yiraahdeen wixii uu bulshada u qabtey ayaa Muuqda oo ugu horeysa dhinaca Amaanka oo maanta la dhihi karo  Muqdisho iyo Deegaano ka tirsan Gobolada Dalka  waxay ku Naaloonayaan Nabad Buuxda.

“ Sannadkii hore Bishaan oo kale Muqdisho waxaa ka socdey Dagaalo inteeda badana waa kala Xirneyd oo waa adkeyd in la isku socdo , maanta balk fiiri sida shacabka ugu jiraan Nabad, waxaa Bilowdey yididiiladii  iyo Rajadii Shacabka waxaa Magaalada ka socda Dib u dhis aad u weyn waxaana taas ka garan kartaa dadkii ka cararey Magaalada sida ay  ugu qul qulayaan , marka Cidii Dadaalkaas Gacan ka geystey waxaa uu mudan yahay in mar kale la doorto si uu u dhameystiro waxa u dhiman” ayuu yiri Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe State, Inj.Cali Madaxeey Jawle oo aan ka wareysaney Kulankaas lagu taageerayey Madaxweyne Shiikh Shariif in uu dib ugu soo laabto Kursiga

Ing Cali Madaxeey   waxaa uu sheegey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu yahay Shaqsi  isbedel ku keeney Xaalada Soomaaliya oo Cakirneyd Muddo Labaatan Sanno ah marka waxaa uu sheegey in Soomaalidu Tiraahdi Sadar Muuqda Su’aal ka dhan marka Madaxweyne Shiikh Shariif wixii uu ummada Soomaaliyeed uu u qabtey  waxaa uu ku tilmaamey mid Muuqda loona baahan yahay waxa dhimana Gacan lagu siiyo si ay Soomaaliya Gees ka Gees ay nabad ugu noolaato.

Xubnhii ka qayb galey Kulankaas ayaa hoosta ka Xariiqey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu Ceel  Dheer  oo ay ku dhacdey SoomaalIya uu ka soo saarey islamarkaaan uu dib u soo celiyey Sharaftii iyo Karaamadii ay lahayd Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in mar  labaad iyo Mar saddexaad loo doorto Hagaanka Dalka  iyagoo ugu baaqey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay doortaan Madaxweyne Shiikh Shariif oo ay ku tilmaameen Shaqsi dhameystiri kara  Waxyaabaha u dhimana waxayna sidoo kale ugu baaqeen Beesha Calaamka in ay gacan ka geystaan in mar kale  la doorto Madaxweyne Shiikh Shariif, waxaana Kulanakaas Goob joog ka ahaa  Madaxweynaha Abweyn State, Gorneyl. Cabdulaahi Maxamed.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)