|
Rug Cadaa Saxaafadeed Yuusuf Garaad oo Muqdisho tagay
Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxii hore ee laanta afsoomaaliga BBC-da Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta si weyn logu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho iyadoo soo dhaweeyntiisa ay ka qeyb galeen boqolaal qof oo ku dhawaaqaya erayo soo dhaweyn oo la mid mida musharaxiinta.
Yusuf Garaad oo aan weli ku dhawaaqin in uu yahay musharax ayaase u hadlaayey sida qof doonaya in uu xil qabto ama damac siyaasadeed hayo, waxaana hadaladiisu u badnaayeen, waxaan ballan qaadaynaa in aan waxba hagran doonin, waxaana la tashan doonaa salaadiinta iyo waxgaradka waxaana wadatashigaasi saldhig u noqon doonaa waxnaa qaban doono.
Mar si toos ah loo weydiiyey in uu yahay musharax ayaa sheegey in uu marka hore duqeytida la tashan doono, waayo ma doonaayo qof keligiis riyoonaya.
Yuusuf Garaad waxaa carabka ku adkeeyay maadama uu yahay rugcadaa Saxaafadeed in uu il gaara ku eegi doono dhibaatada ay ku shaqeeyaan Saxaafada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaateeYusuf Garaad ayaa dhawaan sheegey in uu iska casiley shaqadii BBC-da oo uu ku jirey muddo 20 sano ah, waxaana uu sheegey in uu ka qaybqaadan doono dib u dhiska dalka
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|