|
Warsaxaafadeed Kulankii dhex maray Musharax Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM
Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Warsaxaafadeed Kulankii dhex maray Musharax Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM
Jimce, August, 10, 2012. waxaa galabta kulan gaar ah ku yeeshay Taliska ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Musharaxa madaxtinimada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Paul Lokech.
Kulankan oo uu codsaday taliyaha ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii looga wada shaqeyn laha jawi nabadeed oo lagu soo dabaalo inta laga gudbayo marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka oo ay magaalada ku sugan yihiin musharaxiin fara badan kuwaasoo halgan ugu jira sidii ay uga qeyb gali lahayeen doorashada loo balansan yahay August 20 inay magaalada ka dhacdo.
La-taliyaha Musharaxa madaxtinimada Mudane C/llaahi Yuusuf Maxamed oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac AMISOM iyo Musharaxa ay si degan oo ay ku jirto xushmad iyo qadarin ay ugu balan qaadeen wada shaqeyn dhanka ammaanka ah.
"Waxay noo sheegeen inay AMISOM ay dhex dhexaad ka tahay xaaladdaha siyaasada dalka iyo ololaha doorashooyinka" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo xusay in AMISOM ay u balan qaadeen cidii ku guuelysto doorashooyinkan ay la shaqeyn doonaan amaankana sugi doonaan.
Sidoo kale, AMISOM ayaa ka tacsiyeysay dhacdadii shalay ka dhacday fagaaraha Sayidka oo ay kooxoqaswadayaal ah rasaas ku fureen dadweyne muujinayay taageeradooda musharaxa Farmaajo ay u hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in dadkaasi la gartay lana xiray, isla markaana la marsiin doono cadaalada.
Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Lokech ayaa u balan qaaday Mr. Farmaajo in wixii culeysyo amni ah oo soo wajaha ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan, oo ay ka hortegi doonaan wax kasta oo khal khal amni dhalin kara. Waxay kaloo labada dhinac isku afgarteen haddi culays dinaca amniga soo foodsaaro musharah iyo kambaynkiisa ay diyaar ula yihiin in ay nabad galyadiisa la wareegi doonaan ayuu yiri ugu dambeyntiina C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah La-taliyaha Musharaxa madaxweynaha Mr. Farmaajo.
Kala soo xiriira wixii faah faahin nabaradan hoos ku qoran:
00252-61-8156363
00252-61-8700877
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|