Somali News
    Hees  

Gen. Katumba Wamala : "Cabasho xoog leh ayaa nagasoo gaareeysa Askarteena jooga Soomaalia..."

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. Katumba Wamala : "Cabasho xoog leh ayaa nagasoo gaareeysa Askarteena jooga Soomaalia iyadoo laga yareeyay lacagihii ay qaadan jireen Shaqada ay qabtaana ay badantahay oo ay door muuqda ku leeyihiin Howlgalka Amisom ee Soomaalia"

Taliyaha Ciidamada dhulka dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo la hadlayay gudiga Difaaca Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in 600 Askari oo kamid ah Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee Soomaali dib loogu celinayo Wadankooda.

"Cabasho xoog leh ayaa nagasoo gaareeysa Askarteena jooga Soomaalia iyadoo laga yareeyay lacagihii ay qaadan jireen Shaqada ay qabtaana ay badantahay oo ay door muuqda ku leeyihiin Howlgalka Amisom ee Soomaalia" ayuu yira Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka Uganda Milton Muwuma

Sidookale Taliyaha Ciidamada Dhulka Wadanka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa sheegay in xiligan Amniga Soomaalia uu wanaagsan yahay maadaama dhawaan Magaalada Muqdisho lagu Ansixiyay Dastuurka Soomalia inkastoo uu xusay in wali Al-Shabaab ay halgamayaan

Taliye Wamaale ayaa waxa uu shaaciyay in Dowladda Uganda iyo Wadamada kalaba aysan wax lug ah ku leheyn arimaha Doorashada Madaxtinimada islamarkana arimahaasi ay quseeyaan Soomaalida

Dowlada Uganda ay Bishii hore ee July ku dhawaaqday in 2,337 Askari oo u dhashay dalkeeda oo tababar loosoo gaba gabeeyay loosoo dirayo Wadankeena Soomaalia balse sitoos ah looma cadeyn karo Sababta Xukuumada Kambaala oo ah Awooda ugu badan ee Ciidamada Amisom ay dib ugu celineyso 600 oo kamid ah Askarteeda kusuga Soomaalia

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)