Somali News
    Hees  

Raila Odinga :"Ciidamadeenu hadda waa udiyaar inay dhaqaaqaan mana joogson doono illaa aanu Kismayo ka saarno Al-Shabaab"

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Raila Odinga :"Ciidamadeenu hadda waa udiyaar inay dhaqaaqaan mana joogson doono illaa aanu Kismayo ka saarno Al-Shabaab"

Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo la hadlayay wargayska Financial Times oo ka soo baxa wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in la gudo galay bilihii ay la wareegilahaayeen magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose ooah meel ay ku xoogan yihiin Xarakadda Al-Shabaab.


Ra'iisul wasaare Raila Odinga waxaa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ay hadda bilaabeen inay dhaq dhaqaayo ka sameeyaan gudaha Soomaaliya gaar ahaana gobolada Jubbooyinka waxaana uu intaa ku daray in bisha soo socota ay ciidamadooda gaari doonaan magaalada Kismayo.


Ra'iisul wasaaruhu waxaa uu xusay in qorshuhu ahaa in bishaan la bilaabo hawlgalka hase ahaatee saraakiisha ciidamada dib udhigeen sababo aan la shaacin haddase aydiyaar u yihiin inay hawlgalka bilaabaan.

"Ciidamadeenu hadda waa udiyaar inay dhaqaaqaan mana joogson doono illaa aanu Kismayo ka saarno Al-Shabaab" ayuu yiri R/wasaaraha Kenya waxaana uu intaa ku daray in awooda Al-Shabab ay si weyn u wiiqantay.

Raila Odinga waxaa kaloo uu tilmaamay in ciidamada Kenya ay wiiqeen awooda Xarakadda Al-Shabab isla markaana aysan jirin awood Shabab leedahay oo kahor istaagi karta inay Kismayo tagaan.


Ciidamada Kenya oo gudaha Soomaaliya ku sugan muddo10 bilood ah ayaa mar walba ku goodiya inay Kismayo qabsanayaan taas badalkeedse Al-Shabab ayaa weeraroka geysta gudaha Kenya sida caasimada Nairobi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)