Somali News
    Hees  

Isiah Parnell "Mareykanka waxey taageersan yihiin in Soomaaliyada cusub uu hogaankeeda qabto Caddow oo 40 sano oo khibrad ah leh"

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Isiah Parnell "Mareykanka waxey taageersan yihiin in Soomaaliyada cusub uu hogaankeeda qabto Caddow oo 40 sano oo khibrad ah leh"

Isiah Parnell oo ah sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, ayaa maanta wareysi uu siiyey wargeyska {The Daily Nation} ee ka soo baxa magaalada Nairobi wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo Soomaaliya ku saabsan, waxaana wareysigiisa oo aad u dheeraa uu ku faahfaahiyey aragtida siyaasadeed ee dowladda Mareykanka ee ku wajahan geeska Afrika inay tahay mid dardar cusub la geliyey.

Sidoo kale wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in dagaalka lagula jiro argagixisada geeska Afrika uu guul ku dhammaaday, isagoo tusaale u soo qaatay sida loogu sifeeyey caasimadda Soomaaliya & gobolo ka tirsan bartamaha Soomaaliya kooxda mayalka adag ee uu ku tilmaamay argagixisada ee Alshabaab oo uu sheegay in ay ku daaban-yihiin Al-Qaacida.

"Dowladda Mareykanka waxey ku bixisay wax kasta oo awoodeeda ah sidii looga gacan sareyn lahaa kooxaha argagixisada, waxeyna taageero milateri, mid mooraal & mid dhaqaale inta ku taageertay xooggaga AMISOM & dowladda KMG ah ee taagta darran" ayuu yiri Isiah Parnell.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)