Somali News
    Hees  

Maxkamd ku taala Dalka Maser oo dacwadooda qaadaysa 13-qof oo badankooda Soomaali yihiin

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxkamd ku taala Dalka Maser oo dacwadooda qaadaysa 13-qof oo badankooda Soomaali yihiin.

Maxkamad Federaali ah oo ku taala Magaalada ALEXANDRIA ee dalka Masar ayaa maanta bilaawday dhageysiga dacwadaha loo heysto 5 qof oo kamid ah 13 qofood oo badankood u dhashay Somalia kuwaas oo Dowladda ay ku eedeeysay inay Qaad si sharci daro ah ku galiyeen gudaha Wadanka Masar xiliyada qaarna ay u iib geyn jireen dalal Mareykanka uu ku jiro
Eedeeysanayaasha Shanta ah ee maanta dacwadahooda ay dhageysaneyso Maxkamada Magaalada ALEXANDRIA ayaa la sheegayaa inay dhamaantood u dhasheen Soomaalia halka kuwa kale ee Garsoor sugayaasha ah ay ku jiraan Muwaadiniin kasoojeeda dalka Yemen oo kamid ah Wadamada sida aadka ah looga cuno Qaadka

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ayaa tilmaamay hadii cadeymo buuxa loo helo in dadkaasi lagu xukumi doono Sanada badan oo Xabsi maadaama dalka Masar aan laga ogoleen cunista iyo kanacsiga Qaadka iyo Waxyaabaha kale ee Maanka dooriya

Bishii Abril ee Sanadkan ayaa 13 eedeeysane oo u kala dhashay dalalka Soomaalia iyo Yemen la horkeenay Maxkamada Magaalada Alexandaria inkastoo dib loo dhighay go’aan ka gaarida Xukunkooda waxaan loo heystaa in si sharci daro ah Qaad ay u geeyen Wadanka Masar islamarkaana ay ku iibiyeen

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)