|
Dowladda Masar oo soo dhaweysay ka gudbista KMG-nimad Sooomaliya
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Masar oo soo dhaweysay ka gudbista KMG-nimad Sooomaliya
Dowladda masar ayaa waxa ay talaabo horumar ah ku tilmaantay in somalia bishan august wixii ka dambeeya ay hesho dowlad dhamaystiran oo aan KMG aheyn , waxana guddiga soo xulista barlamaanka ay ka codsatay in si degdeg ah ay u soo xulaan barlamaanka somalia si aan looga gudbin jadwalka islamarkaana bishan august gudaheeda somalia ay yeelato barlamaan iyo madaxweyne cusub.
Cumar Rashdi oo ah afayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda dalka masar ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda masar ay taageereyso hanaan waliba oo shacabka soomaaliyeed ay ku helayaan nidaam iyo kala dambeyn oo ay kaga talaabayaan bur burkii dalka somalia soo gaaray 21kii sano ee la soo dhaafay.
Afayeenka ayaa tilmaamay in dowladda masar ay ka go’antahay inay adgeyso hishiiskii ku saleysnaa kaalmada oo ay wada gaareen madaxweynaha dowladdiisu ay gabagabada tahay shariif shiikh axmed iyo madaxweynaha dalka masar madaxamed mursi.
Cumar rashdi waxa uu dhinaca kale shaaciyay in dowladda masaarida ay sii wadeyso kaalmada dhinaca dhaqaalaha iyo waxbarashada oo shacabka soomaaliyeed ay ku taageereyso islamarkaana ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska iyo bilic soo celinta dalka somalia.
Masar ayaa kamid ah dalalka taageera dalka somalia marar badanna ugu deegay lacago loogu talagalay in la siiyo dadkii ay saameeyeen abaartii sanadkii hore somalia ka dilaacday.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|