Somali News
    Hees  

Jaaliyada Soomaalida Sweden oo deeq afur ah soo gaarsiiyay qoysas ku dhaqan Muqdisho + Sawirro

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyada Soomaalida Sweden oo deeq afur ah soo gaarsiiyay qoysas ku dhaqan Muqdisho + Sawirro

Boqolaal qoys oo isugu jira agoon, kuwo curyaamiin ah, iyo waayeel ayaa maanta la garsiiyay deeq ka timid jaaliyadda Soomaalida ee ku nool wadanka Sweden, deeqdaas oo ah afur isuguna jirtay Bariis, Saliid iyo Timir.

Deeqdaan raashinka afurka ah ayaa waxaa soo dhiibay Muslimiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sweden gaar ahaan magaala madaxda labaad ee Gothenburg, iyadoo ay soo dhiibeen lacag dhan $1500 oo loogu iibiyay raashin isugu jira Timir, Bariis iyo Saliid.

Kharajka lagu iibiyay raashinka oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ay u soo wakiisheen Maxamuud Xasan Cumar iyo Mahad Xuseen Axmed ayaa waxaa isku soo duway Khadra Calasow oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden.

Qaar ka mid ah qoysaska helay deeqdaasi raashinka ah ayaa ka mahad celiyay kaalmada la soo gaarsiiyay, iyagoona sheegay in deeqdaani ay ku soo beegantay xilli ay baahi u qabeen iyadoo waliba bisha barakeysan ee ramadaan ay ku soo beegantay.

Mid ka mid ah odayaasha waayeelka ah oo ka mid duqeyda la gaarsiiyay deeqda raashinka ah ayaa Alle uga baryay dhammaanba dadkii soo dhiibay deeqdaasi inuu ku dhowro bedel kheyr lehna waajafiyo.

Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan wadanka Sweden ma aha markii ugu horeysay oo ay deeqo kala duwan soo gaarsiiyaan qoysaska ku dhibaateysan magaalada Muqdisho, hase yeeshee inkasta oo ay yaraatay abaartii dalka ku dhufatay oo sababtay inay qoysas fara badan ka barakacaan guryahooda, hadana waxaa jira qoysas dan yar oo isugu jira agoon, cuuryaamiin iyo dad aad u liita oo noloshu ciriiri ku tahay.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)