Somali News
    Hees  

Midowga Afika iyo QM oo walaac ka muujiyay habka soo xulida xildhibaanada cusub

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Midowga Afika iyo QM oo walaac ka muujiyay habka soo xulida xildhibaanada cusub

War si wadajir ah ay u soo saareen Wakiilka Xogahayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Agostinr Mahiga, Wakiilka Midowga Afrika Aboubakar Dyara iyo Wakiilka IGAD Kipruto Kirwa ayaa lagu sheegay in tallaabo deg deg oo cad laga qaadi doono siyaasiyiin aan la magacaabin balse la sheegay inay faraha kula jiraan hawlaha xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan heleynaa warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya dad Soomaali ah iyo xubno beesha caalamka ka mid ah oo sheegaya in koox siyaasiyiin ah ay ku hawlan yihiin laaluush bixin, cabsi gelin iyo qaab aan caddaalad ahayn inay u adeegsadaan xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee soo dooran doona gudoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo madaxweynaha” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wadajirka ee ay soo saareen Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale cadeeyay in siyaasiyiinta qaarkood ay hanjabaad iyo digniino u direen odayaasha dhaqanka iyo guddiga xulista baarlamaanka kadib markii ay diideen qaarkood inay lacago ka qaataan oo ay xildhibaano u qoraan, siday rabeen siyaasiyiinta.

“Waxaan ka walaacsanhay in xubnaha 135 oday dhaqameed iyo guddiga xulista baarlamaanka loo jeediyey hanjabaad ka dhan ah amnigooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee wadajirka ah.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in shakhsiyaadka arimahan ku lug leh laga qaadayo tallaabooyin isugu jira:-

1) IN LAGA JOOJIYO QABASHADA XIL DAWLADEED
2) IN LAGA QAADO TALAABOOYIN GAAR AH OO LAGULA XISAABTAMAYO DEMBIYADA AY KA GALAYAAN SHACABKA SOOMAALIYEED

War saxaafadeedka wuxuu kaloo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay rabaan inay dib u dhigaan hawlaha doorashada iyo baarlamaanka cusub si ay meesha uga saaraan in haweenka oo 30% la siiyey ay soo galaan baarlamaanka.

Sidoo kalana siyaasiyiinta ma xishoodayaasha ah ayaa la sheegay inay ishortaag ku sameynayaan in dadka aqoonta leh ee Soomaaliyeed ay soo galaan baarlamaanka iyagoo lacago laaluush ah ku bixinaya odayaasha dhaqanka.

DEMBIILAYAASHA

War saxaafadeedka ayaa wuxuu ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo guddiga xulista baarlamaanka inay ka reebaan liisaska dadka dembiilayaasha ah ee la xaqiijiyo inay dhibaato u geysteen shacabka Soomaaliyeed isla markaana weli ishortaag ku sameynaya nabada iyo xasiloonida Soomaalida ay heli lahayd.

Sidoo kale qaswadayaasha noocyadooda kale waa inaysan ku soo laaban baarlamaanka cusub, ayaa lagu yiri qoraalka war saxaafadeedka ee wadajirka u soo saareen Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika.

“Lama aqbali doono in dib loo rido waqtiga baarlamaanka cusub iyo doorashooyinka la qaban lahaa, mana la ogolaan karo in hawlaha baarlamaanka looga faa’ideysto laaluush iyo wax isdabamarin” ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka.

Digniintan ayaa ah tii ugu cusleyd ee loo jeediyo siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan iyadoo si weyn loo hadalhayo hawlaha kala iibsiga baarlamaanka cusub oo sida la sheegay lagu lagu kala gadanayo $20,000 doolar illaa $30,000 doolar halkii xildhibaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)