Somali News
    Hees  

Ciidammo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa isku rasaaseyn ay ku dhexmaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidammo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa isku rasaaseyn ay ku dhexmaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Wararka llaga heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn  ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Israsaaseyntan oo socotay mudo dadiiqado ah ayaa ka danbeeysay kadib markii askar katirsan ciidamada dowladda uu dhexmaray muran ka dhashay gaadiid qaad siday, iyadoona markii danbe uu murankaasi isu badalay in ciidamadu ay isu adeegsadaan rasaas.

hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Israsaaseynta dhexmartay ciidamada dowladda  mana jiraan khasaare kala gaaray dhinacyadii ay israsaaseyntu u dhexeysay.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in halkii lagu dagaalamay ay gaareen ciidamo katirsan kuwa maamulka deegaanka Dhoobleey islamarkaasina ay ku guuleeysteen in kala dhexgalaan dhinacyadii  dagaalamay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)