Somali News
    Hees  

Wasaarada arimaha gudaha iyo saraakiisha boliska Amisom oo kulan ku yeeshay Mogadishu

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wasaarada arimaha gudaha iyo saraakiisha boliska Amisom oo kulan ku yeeshay Mogadishu

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya oo uu wehlinayay Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Shariif Shiikhuna Maye iyo saraakiisha ciidamada booliska AMISOM oo gaarayay  140 Askari oo boolis ah kana socda Dalka Ugandha, iyagoona ka wada hadlay sidii loo adkayn lahaa amniga Magaalada Muqdisho xilli ay soo food leedahay doorashada madaxtinimo ee Dalka.

Ugu horayn ayaa madaxdii goobta joogtay waxa ay salaan ka qaateen ciidamada booliska AMISOM ee ka yimid dalka ugandha iyagoona halkaas ku sameyay bandhig ciyareed.

Taliye xigeenka ciidamada booliska AMISOM Oye Niyeeki ayaa sheegay inay u yimaadeen sidii ay u adkayn lahaayeen ammaanka xilliga dorashada dalka Sooomaliyana uu noqonayo dalkii ugu horayay oo Ciidamo boolis ah kana socda Midowga Africa yimadaan.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamadan booliska ah ay ka tageerayaan Ciidamada Soomaaliya sidii loo adkayn lahaa amniga
wafdiga imaanaya Dalka iyo xarumaha dowlada.

Shariif Shiikhunaa Maye Taliyaha Ciidmada booliska Soomaaliyeed ayaa isna sheegay inuu ku hanweynyahay inay Ciidmadan booliiska door muhiim ka ciyaaraan amniga Dalka.

Dowlada Ugaandha ayaa horay dalka waxaa uga joogay Ciidamo ku howlgalaya magaca AMISOM kana qeyb qaadanaya howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab waxayna noqonayaan Ciidamadan kuwii ugu horeeyey oo uhowlgalaya sida booliiska iyadoo Dalal ay ka midyihiin Nayjeeriya iyo Gana ay balan qaadeen inay Soomaaliya xilliga dhaw ay
usoo dirayaan ciidaamo boolis ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)