Somali News
    Hees  

Duqeeyn Xoogan oo caawa lagu qaraacay Magaalada Kismaayo

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Duqeeyn Xoogan oo caawa lagu qaraacay Magaalada Kismaayo

Duqeyn xoogan ayaa caawa waxaa lala dhacay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobalka Jubbada Hoose iyadoo duqeyntaasna ku beertay dadka magaaladasi cabsi iyo walwal.

Maraakiibta Shisheeyaha ee jooga xeebta magaaladasi ayaa markali dadku waxaa ay ka warheleen dayaanka iyo sawaxan aad u xoog badan oo magaalada ekeeyay.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa arkayay Holaca Gantaal ka soo dhacay Markab ku sugnaa meel u muuqata Kismaayo Gantaalka oo dul maray Magaalada ayaa ku dhacay Xaafada Geed Kaama dambeeyo ee Galbeedka Kismaayo.

Goobta ay gantaaladu ku dhaceen ayaan la ogeen qasaaraha ka dhashay balse waxaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay bartilmaameed la aaminsanyahay in ku sugnaayeen kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)