|
Musharax Yaasiin Maaxi oo ka qayb galay xaflad aysoo abaabuleen ardaydda Jamacadaha Mogadishu
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa maanta magaalada muqdisho gaar ahaan hotelka ampasator lagu qabtay munaasibad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagusoo dhoweynayay musharaxa madaxtinimada soomaaliya Dr Yaasiin Maaxi Macalim oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay si uu qeyb uga noqdo geedi socodka nabadda iyo isbadalka siyaasadeed ee xiliga kala guurka ah ee soomaaliya ee sanadkan 2012.
munaasibaddan oo uu soo agaasimay ururka dhalinyarada soomaalieed ee bartamaha iyo koonfurta soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 300 oo xubnood oo gabdho iyo wiilalba isugu jira ayaa waxaa si weyn uga dhax muuqday ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada muqdisho,odayaasha xaga dhaqanka,culimada diinta,siyaasiyiin dalka xilal kala duwan horey ugasoo qabtay.ururada haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada muqdisho.
waxaa goobta ay munaasibadani ka dhacaysay aad loogu xardhay calanka bilicda san ee jamhuuriyadda soomaaliya iyo sawirada musharaxa madaxtinimada dalka soomaaliya Dr,Yaasiin Maaxi Macalim iyada oo ka qeyb galayaashana loo qeybiyay qoraalo ka turjumaya taariikhda mas,uulkan
waxaa kulankan ugu horeyntii furay macalin muuse ugaas cabdulle oo ku hadlayay magaca culumaa,udiinka waxaana uu u mahad celiyay abaabulayaashii iyo kasoo qeyb galayaashii munaasibadda isaga oo sheegay in Dr.Yaasiin uu yahay nin dhalinyaro ah oo wax bartay lehna karti iyo dulqaad hogaamin qaran sidaasi daraadeedna qof kasta oo soomaali ah uu ugu baaqayo in uu kula shaqeeyo kuna taageero bad baadinta dalka iyo dadka.
Dr.Maxamed yarow oo ahaa kuxigeenkii hore ee duqa magaalada muqdisho xiligii maamulkii alaha u naxariistee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmad oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa xusay in ay lagama maar maan tahay dalka in uu is badal ka dhaco ugana dhaco qaab nabad gellyo ah oo siyaasi ah waxaana uu ugu hambalyeeyay musharax yaasiin maaxi damaciisa ku aadan hogaaminta qaranka soomaaliyeed ee mustaqbalka dhow oo uusan jirin ruux isaga ka mudan mar haduu yahay muwaadin oqoon iyo karti leh daacadna u ah bad baadinta dalkiisa iyo dadkiisa.
nabadoon islow cumar maxamad macalin oo wakiil ka ahaa imaamka beesha mudulood oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha dhaqanku ay taageersan yihiin uguna duceynayaan in uu ku guuleysto hogaanka dalka Dr.yaasiin oo uu si toos ah u cadeeyay islowgu in uu yahay nin hadaba mudan in loogu yeero madax weynaha dalka ee aan musharax kaliya la dhihin taasoo uu ku sababeeyay sida ay uga go.an.tahay in uu dadkiisa gacan qabto waxaana uu ka dalbaday bulshad soomaaliyeed iyo mudanayaasha baarlamaankuba in ay codkooda siiyaan isaga hadii ay yihiin kuwo ay daacad ka tahay in ay dalkooda u adeegaan una dhaartay musharixiinta la loolameysana waxaa uu ugu baaqay in ay u tanaasulaan.
qaar ka mid ah xubnaha gudoonka iyo gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya oo ahaa ardayda jaamacadaha magaalada muqdisho oo iyana munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu hambal yeeyay musharaxan sida ay uga go an tahay in uu dalka ku hogaamiyo karti iyo cadaalad bulshadeed waqtigan adag waxayna balan ku qaadeen in ay kula shaqeynayaan si mutadawac nimo ah qaybna ay kala qaadan doonaan fulinta hadafkiisa ku aadan toosinta iyo dib u dhiska unugyadii baa ba,ay ee qarankii soomaaliyeed.
gabagabadii xafladaasi ayaa waxaa isna ka hadlay musharax Dr,yaasiin maaxi macalim isla markaana ah aas aasha xisbigii ugu horeeyay ee siyaasi ah oo dadka soomaaliyeed ay sameystaan tan iyo sanadihii lixdameeyadii waana xisbiga midnimada soomaaliyeed isaga oo u mahad celiyay si guud dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii kasoo qeyb galayba munasibada
waxaa uu ka dalbaday dadka soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan dadaalkiisa iyo damaciisa siyasiga ah isaga oo u balan qaaday in uusan noqon doonin madax weyne xilka loo dhiibo umadda uga shaqeysta danihiisa balse uu noqon doono madaxweyne xilka uu hayo ugu shaqeeya umadiisa wax kastana uu ka hor marin doono xaqiijinta danaha guud ee qaranka isaga oo ku adkeystay in qofkii wax kayar soomaalinimo mas uuliyad ku raadiya uu yahay mid habowsan aana laga aqbali doonin.
Dr,yaasiin oo hadlayay kudhowaad mudo saacad ah ayaa waxaa hadaladiisa hareynayay sacab iyo mash xarad si kal iyo laab ah ugasoo go,aysay ragii iyo dumarkii goobta kasoo xaadiray isaga oo si aad ah u fogeeyay waxa la yiraahdo 4.5 ka ee saami qeybsiga soomaalida waayadan dambe dhaqanka u noqday taasoo uu xusay in diinta islaamka iyo dhaqanka sooomaaliduba ay isku waafaqsan yihiin in aanay ahayn wax jira ama la aqbali karo balse ay soo suuq galiyeen dad shaqsiyaad kooban ah oo kaleh dano siyaasadeed oo raqiis ah si ay midnimada sharafka qowmiga ah iyo kan qaranimo ee dadka soomaaliyeed u dhaawacaan waxaana uu wacad ku maray marka uu kursiga madaxweynenimo ku guuleysto in uu si aan leex leexad lahayn u abaari doono nidaamkaas xun una dabar jari doono hadii alle yiraahdo.
mas.uulkan oo dhinaca kalana xiligii barisamaadka ka mid ahaa xidigihii sportiga dalka gaar ahaan kubadda kolayga ayaa xusay in uu kusoo bar baaray bahda sportiga dhaxdeeda sidaasi daraadeedna uu horumarin ku sameyn doono dib u qaabeynta sportiga dalka oo ku tilmaamay in uu laf dhabar u yahay nabadda iyo is dhax galka bulshada soomaaliyeed gabagabadii xafladaasi ayaa ka qeyb galayaashu waxay musharaxa madaxtinimada dalka Dr,yaasiin maaxi ku weydiiyeen su,aalo dhowr ahaa oo la xiriiray qaabka uu u wajahayo hogaankiisa siyaasadda dalka marka uu talada wadanka ku guuleysto iyadoo qaarkoodna ay usoo jeediyeen talooyin badan oo wax ku,ool u ahaa dhinacyada siyaasada amniga iyo guud ahaan xal u helida mushkiladaha raagay ee soomaaliya isaga oo dhamaan su aalihiina si waafi ah uga jawaabay talooyinkii wanaag sanaana balan qaaday in uu ku camal fali doono in sha'alaah.
munaasibadaasi oo aad u ilqabad wanaagsaneyn ayaa gusoo gaba gabowday sacab,farxad,iyo dadka oo wada istaagay si isku jaan,go,anna ugu wada luuqeynayay heesta astaanta qaranka ah ee SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA EE HADBA KIINA TAAG DARANEEY TAAGEERA WALIGIINEEY iyada oo la arkayay dadka qaar in ay la ilmeynayeen farxad iyo qiiro wadaniyadeed oo fagaarahaasi laga dheehan karey.









| |
 |
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|