|
Duran” TVga Universal wuxuu kala garan waayay HOME OFFICE oo ah meesha
la iska dhiibo iyo wasaaradda arimaha dibada oo kulanku shalay ka
dhacay”
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Duran” TVga Universal wuxuu kala garan waayay HOME OFFICE oo ah meesha
la iska dhiibo iyo wasaaradda arimaha dibada oo kulanku shalay ka
dhacay”
Waxaa shalay laga baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warfaafinta
Soomaaliyeed qaarkood gaar ahaan Telifishanka Universal war sheegayey
in cayaartoydii xulka qaranka ee cayaaraha fudud uga qaybgalayey
tartanka Olimbikada Adduunka Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed
Faarax ay magangalyo siyaasadeed waydiisteen dawladda Ingiriiska,
warkaasi oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana laga
been abuurtay cayaartoydaasi magaca iyo sharafta u soo jiiday shacabka
Soomaaliyeed mudadii saddexda usbuuc ahayd ee ay ku sugnaayeen dalkan
Ingiriiska.
Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed, xiriirka cayaaraha fudud ee
Soomaaliya iyo cayaartoyda xulka qaranka ayaa waxa ay shalay si
wadajir ah uga qaybgaleen kulan uu wasiirka dawladda ingiriiska u
qaabilsan horumarinta qaaradda Afrika kula qaatay xafiiska wasaaradda
arimaha dibadda ee magaalada London, kulankaasoo looga hadlayey
waayaragnimadii ay wafdiga Soomaaliyeed iyo orodyahanaduba kala
kulmeen dalkan Ingiriiska iyo sida ay dawladda Ingiriisku uga
qaybqaadan karto horumarinta sport ga dalka gaar ahaan sidii sport ga
loogu adeegsan lahaa nabadaynta dalka.
Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen warfidiyeeno ka kala
socday telifishanada iyo jaraa’idada dalkan Ingiriiska iyo waliba kuwa
Soomaaliyeed ayaa waxaa guddiga olimbikada Soomaaliyeed fajac iyo
amakaag ku noqotay warkan laga baahiyey telifishanka Universal kaasoo
haba yaraatee aan ka mid ahayn qodobadii looga hadlay kulankan isla
markaana ay garan la’yihiin halka laga soo xigtay iyo ujeedada ka
dambaysa intaba.
Sidaasi darteed Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed waxa uu caddaynayaa in
orodyahanada Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan iyo Samsam Maxamed ay
labaduba ku sugan yihiin gudaha tuulada olimbikada ee magaalada London
halkaasoo ay si Soomaalinimo leh ugu matalayaan dalkooda, guddiga ayaa
dhinaca kale cambaareeyay warkan aan salka iyo raadka lahayn ee uu
shaaciyey telifishanka Universal iyo waliba shabakadaha Soomaaliyeed
qaarkood oo ayagu ka soo xigtay warkaas wuxuuna uga digayaa
warfidyeenada iyo hay’adaha warfaafineed ee caadaystay in ay qoraan
ama sheegaan warar aan sal lahayn in ay ka waantoobaan wararka noocaas
oo kale ah haddii kale ay ayagu qaadi doonaan mas’uuliyadda
dhibaatadii ka dhalata wararkaasi.
Sida qof kasta oo daawaday uu fahmi karo labada ciyaartoy waxaa ay
muujiyen in dhibaato ka jirto halkii ay ka yimaadeen ku noqoshadooduna
ay adagtahay laakin taas macneheedu maahan in ay is dhiibeen waxaana
cidii dooneysa ay kusoo booqan kartaa xarunta Olympic village oo ay
wali ku sugan yihiin.
“Waxaa yaab leh in wariyeyaasha teleefishinka Universal ay kala garan
waayeen Home Office-ka oo ah meesha dadka is dhiibayaahi ay tagaan iyo
wasaarada arrimaha dibada oo aan joognay shalay kulankuna uu ka
dhacay”ayuu yiri guddoomiyaha GOS duran Ahmed Faarax.
Ujeedada kulankii shalay oo ka dambeeyay casuumad uu wasiirka arrimaha
Afrika ee ingiriisku u fidiyay ciyaartoyda Soomaaliyeed waxaa ay ahayd
in uu uga mahd celiyo dadaalka ay muujiyeen iyagoo kusoo barbaaray
meel dhibaato amaan darro oo aad u xoogani ay ka jirto shaqada ay
hayeena ay halis mar kasta ku muteysanayeen.
Sidoo kale guddoomiyaha GOS Duran Ahmed faarax wuxuu uga mahad celiyay
dowlada ingriiska sida weyn oo ay u xushmeysay Soomaaliya maadaama ay
safiirkii u fadhiyay Kenya usoo dirtay Muqdisho isaga iyo
shaqaalihiisii oo dhan halkaana ay soomaaliya ugu dhameystireen
dokumentiyadii dalka ingriiska ay ku yimaadeen xubnaha wafdiga
Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|