|
Ismaaciil Cumar Geelle : "Qaylo dhanta iyo is qab qabsiga beelaha dhexdooda ah ay jirtay xiligii la soo dooranayay dowladii uu madaxwaynaha ka ahaa C/qaasim Salaad.."
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ismaaciil Cumar Geelle : "Qaylo dhanta iyo is qab qabsiga beelaha dhexdooda ah ay jirtay xiligii la soo dooranayay dowladii uu madaxwaynaha ka ahaa C/qaasim Salaad.."
Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle oo wareysi sii naayay Idaacadda VOA-da ayaa shaaca ka qaaday inuu sii soco doono is qab qabsiga ka dhex jira beelaha Soomaliyeed ee ku aadan soo xulista xubnaha ka mid noqonaaya Golaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
"Qaylo dhanta iyo is qab qabsiga beelaha dhexdooda ah ay jirtay xiligii la soo dooranayay dowladii uu madaxwaynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in arrintaasi loo hakan doonin oo laga gudbi doono.
Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in qaylo dhaanta iyo is qab qabsiga beelaha dhex dooda ah uu jiray xiligii la soo dooranayay dowladii uu madaxwaynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ee Carta lagu soo dhisay, dhibaatadaasna laga soo gudbay oo aan loo hakan tanina ay taas la mid tahay.
"Beelaha Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii Soomaliya uga gudbi lahayd dhibaatada mudada dheer ay ku soo jirtay" ayuu yiri Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Jabuuti waxaa uu ka hadlay Destuurka ay Soomaaliya dhawaan yeelatay ee lagu ansixiyay magaalada Muqdiasho, wuxuuna sheegay in Destuurka uu isagu aqriyay ayna ku jiraan waxyaabo badan oo mad madow ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|