|
Qorshe Musharaxiin Madaxweyne lagu cadaadinayay oo fashilmay (Warbixin muhiim ah)
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Qorshe Musharaxiin Madaxweyne lagu cadaadinayay oo fashilmay (Warbixin muhiim ah)
Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho si xowli leh uga bilowday tartanka ololaha musharaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana soo baxaya kala jiidasho iyo laaluush lagu bixinayo in musharaxiinta qaarkood lagu shiiqiyo amaba lagu niyad jebiyo qorshahooda musharaxnimo.
Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka bilowday olole dacaayado kala duwan oo loo sameynayo madaxda sare, haba ugu badnaadee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo dhinaca kalena ay ka socdaan madaxtooyada heshiisyo qarsoon oo lala gelayo bahda warbaahinta qaarkood oo ay ugu weyn yihiin Telefishanada Soomaalida inaysan baahin wararka mid ka mid ah musharaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha oo isagu dhowaan magaalada Muqdisho markii uu ka soo degay dhigay wacdaro layaab leh.
Ex-Ra'iisal Wasaarihii ka horeeyay Dr.Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ahna musharax u taagan jagada Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo isagu kasbaday codka bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba ayaa waxa uu khalkhal geliyay hamigii Madaxweyne Shariif uu ka lahaa musharaxnimadiisa Madaxweyne inuu mar kale qabto jagada Madaxweynaha.
Md. Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii uu ka soo degay magaalada Muqdisho waxaa mar kaliya magaalada Muqdisho qarqiyay isu soo bax aan horay loo arag oo la mid ah markii xilka laga qaadayay sida uga dhiidhiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoo dadweynaha Muqdisho isugu soo baxeen hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho iyagoo taageeraya musharaxnimada Md. Farmaajo.
Ololahaan ka socda xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo qorshihiisu yahay inaysan soo bixin amaba warbaahinta qeybaheeda kala duwan laga sii deynin war aan ahayn midka Madaxweyne Shariif ayaa waxaa kahor yimid qaar ka mid ah maamulada warbaahinta oo diiday inay qaataan lacago laaluush ah.
Howl-wadeen ka mid tirsan mid ka mid ah Telefishanada Soomaalida oo diiday magaciisa in la soo xigto ayaa ii sheegay inay ka hor yimaadeen awaamiir uga timid shaqaalaha Madaxweyne Shariif u qaabilsan doorashadiisa taasi oo ku saabsan inay joojiyaan warka imaatinka Musharax Farmaajo oo intii aanu soo gaarin Muqdisho laga dareemay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo dadweynaha magaalada ay iskood u sameynayaan.
Waxa uu sheegay howl-wadeenkaan in shaqaalaha Madaxweyne Shariif ay u sheegeen inay siinayaan lacago laaluush ah oo cadadkeedu ka badan yahay $1000 (Kun Dollar) hase yeeshee wuxuu ii sheegay inay ku gacan seyreen dalabka ka yimid Madaxtooyada.
Sidoo kale qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ka howlgala ayaa iyana la dul dhigay lacago aan caadi ahayn, taasi oo ku saabsan caburinta hadalka musharaxa Madaxweynaha Md. Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyadoo idaacadaha qaarkood ay si cad uga hor yimaadeen dalabka madaxtooyada uga imaanayay oo dhowr nooc ka koobnaa, isla markaana kharajka ugu badan ay ku bixineyso ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha.
Qaar ka mid ah websityada Muqdisho waxaa lagu baahiyay war ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo E-mailka lagu soo dirayna loo adeegsaday magaca mid ka mid ah shaqaalaha faraha badan ee Madaxweyne Shariif kaasi oo sheegaya in Md. Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaayo) uu ololihiisa doorashada u adeegsanayo barakacayaasha Muqdisho.
Bal fiiri akhristow beenta iyo dacaayadda intaasi la'eg ee laga faafinayo Musharax Farmaajo, waxaadse beentaas uga kaaftoomeysaa maalmihii taariikhda galay ee shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba uga bannaanbaxeen Md. Farmaajo inaan xilka laga qaadi karin, balse beesha caalamka uu ka tan badiyay codka dadweynaha, su'aashu waxay tahay "Farmaajo lacag siiyay Soomaalida dalka gudihiisa iyo shanta qaarad adduunka bannaanbaxa ku taageertay?".
Waxaa iyana been bannaanka u soo baxday noqotay markii askar ka soo baxday madaxtooyada ay rasaas ku fureen dadweyne dibadbaxooda ku taageerayay Musharax Farmaajo oo loo bedelay falkaasi inuu isaga ka dambeeyay shaqaaqadaasi isla markaana uu isagu mas'uul ka yahay dadkii ku waxyeeloobay, dibadbaxaasi oo Madaxweyne Shariif meesha lagu ilaalinayo ee Madaxtooyada uu ka maqlay codka dadweynaha shucuurtoda ku muujiyay musharaxa ay taageersan yihiin.
Runta waa biyo kama dhicbaan, waxaan hubaa haddiiba codka dadweynaha Soomaaliyeed la tixgelinayo inaysan saacado badan qaadaneynin doorashada Madaxweyne ee la filayo inay dhowaan Muqdisho ka dhacdo isla markaana uu ku soo baxayo Musharax Farmaajo.
Dhaqdhaqaaqa dadweynaha Muqdisho iyo imaatinta Md. Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) waxay sababtay in Hay'adaha kala duwan ee Dowladda KMG ah oo u kala qeybsan Madaxweyne Shariif, Ra'iisal Wasaare C/Weli iyo Shariif Xasan Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo saaraan awaamiir fashilantay dhowr jeer oo hore kuna saaban inaan magaalada hub lala dhex wareegi karin, balse ujeedadu tahay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa musharax Farmaajo.
Arrimahaasi oo dhan markii ay ku fashilantay Dowladda madaxdeeda lagu heysto musuqmaasuqa hantida Qaranka waxay dani ka fursan weysay in loo adeegsado ciidamada AMISOM isla markaana taliyahooda kulan gaar ah la yeeshay Musharax Farmaajo, iyagoo isku afgartay in xaaladda la dejiyo, wuxuuna musharax Farmaajo ogolaaday inuu howlihiisa caadiga sii wadan karo, mar kasta oo uu la kulmo falal nabadgelyo xumo uu la xiriiri karo taliska ciidamada AMISOM.
Ugu dambeyntii ma ahayn tallaabadii ugu horeysay ee lagu caburinayay Musharax Farmaajo ee waxaa horay madaxtooyada uga socday dhaqdhaqaaqyo si cad iyo si dadbanba loo wiiqayay musharaxiinta kale ee gaaraya 60-Musharax Madaxweyne inay afkaarahooda soo bandhigaan, hase arrimahaasi oo dhan way fashilmeen waxayna dariishada ka saareen hadaladii afka baarkiisa ahaa ee Madaxweyne Shariif iyo taageerayaashiisa uu Tarsan ugu horeeyo in Muqdisho aanu ka jirin cunsuriyad, qabyaalad iyo wixii horumarka Soomaaliya dib u dhigay.
Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil37@hotmail.com
| |
 |
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|