Somali News
    Hees  

Mid ka mid ah Ciidamada Marakanka Nasser Abdo Jason oo Maxkamad ku xukuntay xabsi daa’in

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mid ka mid ah Ciidamada Marakanka Nasser Abdo Jason oo Maxkamad ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday Nasser Abdo Jason oo ah Muslim, isla markaana ka tirsan ciidamada dalka Mareykanka.

Ninkaan xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay isku day dil oo uu u geysan rabay ciidamo Mareykan ah iyo xaasaskooda.

22 jirkaan Muslimka ah una dhashay mareykanka ayaaa FBI-da ka qabatay sanadkii hore Hotel yar oo ku yaala meel u dhow saldhig ciidan oo ku yaala magaalada New york.

Askarigan Islaamka ah ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa maxkamada ka hor sheegay inuusan uga baahneyn qaaliyaasha wax naxariisha, waxaana uu tilmaamay in Naxariis uu ka rabo oo kaliya Alaha koonkaan iska leh.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)