|
Faah faahin ku saabsan Qarax khasaare geystay oo ciidamada dowladda KMG ah lagula eegtay Muqdisho
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Faah faahin ku saabsan Qarax khasaare geystay oo ciidamada dowladda KMG ah lagula eegtay Muqdisho
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay galab lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya inta u dhaxeysa Ex-control Balacad iyo Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la sheegay inay la kacaday gaari Toyota ah oo ay saarnaayeen ciidamada dowlada, waxaana la tilmaamay inay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimaho iyo dhaawac.
Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage "Cali dheere" oo ka hadlay idaacada ku hadasha Afka Shabaabka ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Gen. Maxamed Maxamuud Saney Taliyaha guutada Labad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Gen. Saney oo isna warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa beeniyay warkasi ka soo yeeray kooxda Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan ciidanka dowlada ayna ku dhaawacmeen laba kale.
Dhinaca kale waa qaraxii labaad oo 48-saac gudahood degmada Huriwaa lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana la tilmaamay in goobta ay qaraxyada ka dhaceen laga sameeyay howlgal kaasoo weli aan wax faahfaahin laga bixin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|