Somali News
    Hees  

Ramadan cup in Gothenborg oo si habsami leh u bilowday.

Gothenburg Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ramadan cup in Gothenborg oo si habsami leh u bilowday.

Waxaa maalintii shalay aheyd si aan caadi aheyn u bilowday koobkii xiisaha lahaa ee Ramadan cup oo dhalinyarada magaalada eey si aad ah u dhoowrayeen, sanadkaan waxaad u qabtaa in kooxuhu eey eey iska badaleen qaabkii hore oo qaab aan looga baran la yimaadeen, kooxihii hore ee aan naqaanay waxeey sameeyeen isdhexgal aan caadi aheyn oo eey kasoo saareen dhalinyaro cusub.

Ciyaartii shalay dhacday waxaa ku tartamay kooxda Qaran iyo Faanoole. Ciyaartu waxeey ahyed mid xiiso badan oo dadkii u soo daawasho tagay eey la dhaceen. Wuxuu lagadanku socdaba waxaa guushii raacday Faanoole oo ciil badan horey u qabtay ciyaarihii sanadihii hore la qaban jiray. Ciyaartu waxeey ku dhamaatay 2 gool iyo 1 oo eey ku badiyeen Faanoole.

OG: waxaa xusid mudan in aan idiin wargelino in eey jirto ciyaar aad u xiiso badan maalinta axada oo dhexmari doonto Kooxda Fc Liido oo looga bartay cayaar wanaag iyo kooxda Jubba Express.

Waa inoo axada iyo saacada 19:00. Kviberg.





 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)