|
Oradyahanada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Olombikada Aduunka oo beeniayay inay iska dhiibeen dalka Ingiriiska
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Oradyahanada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Olombikada Aduunka oo beeniayay inay iska dhiibeen dalka Ingiriiska.
Waxa maalinti shalay si rasmi ah loo shaaciyay iney dowlada boqortooyada Ingiriiska waaxdeeda uqaabishan Arimaha Afrika ay isu dhiibeen orodyahanadi matalayay magaca dalka Soomaalya kuwaasi oo tartan taariikhi ah kaga qeyb galay ciyaaraha olombikaa aduunka ee lagu qabanayo magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa lagu soo waramayaa in si nidaamsan ay maalinti shalay uweydiisteen dowlada Ingiriiska magangalyo siyaasadeed taasi oo keentay sida lawada dareemi karo baqdin kaga timid dhanka ururka Alshabaab oo durba bilaabay caga jugleen marka ay dalka dib ugu laabtaan.
"Walaalaheyga soomaaliyeed waxaa rabaa inaa idiin sheegno annaga ma is dhiibin mana isdhiibi doonno waxaan sheegnay wax adinka dhan aa wada ogtihiin oo ah dhibaatada iyo culayska ka jiro xagga tababarka tusaale waxaa idiinku filan maxamed daqiiqadihiii uu sameenaayay markuu muqdisho joogay waxaa ka yaraa daqiiqadihii uu sameeyay markuu london imaaday".
"Annaga maka cararayno wadankeena waa kaan ku dha lannay waana ku dhimanaynaa laakiin si aan horumar iyo magac ugu sii jiidno wadankeenna waa inaa helnaa tababar fiican aana dunida dhan magaca soomaali kor uga qaadnaa laakiin hadaan ku noqonno muqdisho waxaa taagnaanaynaa meeshaa shalay taagneen horumar ma samaynayno sababtoo ah ma heesanno qalab iyo garoomo aan aalamiito ku sameenno ogaada ma jirto meel wadankeena ka fiican haduu maanta dhisnaan lahaayna wax walba isagaa ka heli leheena".
Sidoo kale Zamzam iyo Maxamed waxey si siman usheegeen in lagala soo xiriiray inta tartanka socday Facebooka iyo waliba telfoonada gacanta taasina ay ku keentay qal qal xoogan oo wax ka badalay go'aankoodi hore ee ahaa in si toos ah Muqdisho u aadan .
Orodyahanadaani ayaa dalbaday oo kaliya magangalyo la xiriiro sida ay mihnadooda ciyaareed usii wadan karaan hadii ay ahaan laheed Ingiriiska iyo wamada kale halkaasi oo ay doonayaan iney ka helaan nabad ay ku naaloodaan.
Soomaalida kutixan Shabakadaha Bulshada ee aragtiyada leesku dhaafsado sida Facebooka ayaa qeyb libaax leh ka qaatay niyad dhiska ciyaaryahanadaani Soomalaiyeed hasa yeeshe 24-ki saac ee ugu dambeeyay ayaa hambalyadi ciyaartoyda mataleesay Soomaaliya isu badashay dhaleeceen iyo dacaayado xad dhaaf kuwaasi oo lagu tilmaamay halyeeyadaani kuwa magaci iibsaday.
Sida dad badan rumeesan yihiin waxa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo gobolada kuteedsan caadi ka ah dilka dadka rayidka ah gaar ahaan dadka sumcada kuleh bulshada sida fanaaniinta, ciyaartoyda, wariyayaasha iyo cid walba oo loo arko iney tahay bulsho hogaamiye.
Dhinaca kale waa in la dareema qatarta kudhici karta orodyahanadaani Soomaaliyeed ee mar qura magacooda iyo muuqaalkooda sara maray marka ay noqdeen kuwa nasiibka uhelay in calankeena Soomaaliyeed geeyaan fagaaraha London isla markaana ay heleen digniino lamid ah taageeridi ay ka heleen bulshada Soomaaliyeed.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|