|
Koonfurta Kuuriya oo Kaalinta 3 ee Bilada Maarta Olombikada London Xalay Kala Dheel Matay Jabaan ( 2-0 )
Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Koonfurta Kuuriya oo Kaalinta 3 ee Bilada Maarta Olombikada London Xalay Kala Dheel Matay Jabaan ( 2-0 )
Xulka Dalka Koonfurta Kuuriya u Matalayay Olombikada London 2012 ee dhinaca Kubada Cagta ayaa xalay ku Guuleystay Kaalinta 3 ee Tartankaaasi Markii ay 2-0 ugu Awood sheegteen Xulka Jabaan oo Gabdhiisana Xalay Laga Qaaday Biladii Dahabka ee dhinaca Kubada Cagta.
Ciyaartaan oo aheyd mid ay Gacan sareeyeen Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa qeybti Hore ku Hormariyay Gool Lambarka 10 oo lagu Magacaabo C.Park Daqiiqadii 38 waxaana qeybtii hore Lagu kala Nastay Kuuriya oo 1 iyo 0 ku Hogaamineysa Ciyaarta.
Isku soo Noqodkii Xulka Jabaan oo caawa kala daadsanaa una muuqan sidiisii hore ayaa waxaa lagu qaaday Goolkiisa hujuum aad u Fara badan waxaana dhowr jeer la sigay Goolka Jabaan iyadoo kubadihii lagu sigay aanu ka xusi karno kubad uu Lambarka 7 ku dhuftay Birta.
Kuuriyada Koonfureed waxaa Goolkeedii labaad u dhaliyaya qeybtii dambe ee Ciyaarta Kabtankeeda lambarka 13 J.Koo Daqiiqadii 57-aad.
Koonfurta Kuuriya Horay waxaa Sami finalka ugu soo legday Xulka Martigalinaya Koobka Aduunka 2014 Brazil ,halka Jabaan ay u soo quus goysay Sami finalka Tartankaan Xulka Mexsiko
N.B 2 dal ee ka socday Qaarada Aasiya Koonfurta Kuuriya vs Jabaan Sanadkii 2002 waxa ay wadajir u Martigaliyeen Koobkii Aduunka oo ay xiligaasi ku Guuleysteen Dalka Brazil iyo xidigoodii Ronaldo.
Galabta 5.00Galabnimo ee Xiliga Geeska Afrikada Bari waxaa La ciyaari doonaa Hadii Alle Idmo Ciyaarta Finalka Olombikada Londonee dhinaca Kubada Cagta Wiilashawaxaana ku Hardami doona Brazil vs Mexsiko.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|