Somali News
    Hees  

Dowladda Tanzania oo ku dhawaaqday inaysan ogolaan doonin Tahriibayaasha Africa oo Soomaalida ay ku jiraan

Mogadishu Sabti 11 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladda Tanzania oo ku dhawaaqday inaysan ogolaan doonin Tahriibayaasha Africa oo Soomaalida ay ku jiraan

Wasiirka arimaha gudaha dalka Tanzaania Dr Emanuel Nchimbi ayaa waxa uu ku dhawaaqay inaysan ogolaan doonin Tahriibayaasha Africa oo Soomaalida ay ku jiraan in ay sii maraan sidii horayba looga bartay Wadanka Tanzaania.

Dr Emanuel Nchimbi ayaa tilmaamay inay xamili waayeen qul-qulka Tahriibayaasha Soomaalida ah oo ka tagaya dalkeena si ay ugusii gudbaan Wadanka South Africa oo Soomaalida ay Ganacsi u aadaan balse si aad ah loogu dhibaateeyo isagoona xusay inuu Xabsiga ay ku waari doono qof kasta oo Soomaali ah ee la qabto xili uu si sharci dara ah ku galay dalka South Africa.

"Hadii Soomaalida ay ahaan lahaayeen dal dariskeena ah sida Burundi oo kale way wanaagsanaan laheyd inaan marti galino laakiin waxa ay kasoo gudbatyaan Wadamo badan oo African ah sidaasi darteedna ma qaabileyno firxadka Qoxootiga Soomaalida " ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha dalka Tanzaania Emanuel Nchimbi.

Wasiirka ayaa beeniyay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed tacadiyo loogu geysto gudaha Xabsiyada ku yaala Tanzaania islamarkaana waxa uu ka digay in been abuurkaasi la faafiyo.

Dalka Tanzaania ee Bariga africa ayaa kamid ah Wadamada ay sii maraan Tahriibayaasha Soomaalida ah marka ay haminayaan inay gaaraan dalka Koofur Africa si ay ugasoo shaqeystaan balse qorshahan Dowladda Tanzaania ee kusaabsan inaysan dalkeeda u ogolaan doonin Qoxootiga Soomaalia ayaa caqabad ku noqonaya dad badan oo damacsanaa inay u safraan South Africa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)