Somali News
    Hees  

War Deg Deg ah: Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Yuusuf Cali Faray oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Yuusuf Cali Faray oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sida ay sheeayaan wararka kooxo ku hubeysan baskoolado ayaa la sheegay in Allaha u naxariistee Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) ay ku toogteen gudaha xaafadda Madiina xilli uu gurigiisa ka soo baxay.

Allaha u naxariistee Yuusuf Farey oo wasaaradda Warfaafinta u qaabilsanaa dhanka xiriirka saxaafadda ayaa xilal kala duwan uga soo qabtay wasaaradda Warfaafinta.

Yuusuf Cali farey oo ahaa rug cadaa saxafi ah ayaa waxaa uu soo noqday agaasimaha wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo gudoomiyaha golaha Saxafadda Qaranka Soomaaliya.

Ragga dilka Yuusuf Fareey ayaa la sheegay inay Wateen Dharka Iskuulka lagu aado, waxayna kooxaha wax dilaya maalmahaan dambe la soo baxeen xeelado cusub oo ah inay soo qaatan marka ay dadka ay u dan leeyihiin inay soo xirtaan Dharka Iskuulka ama dharka Isboortiga lagu yaqaan, taasi oo ah khiyaano cusub oo ay kooxahaasi la soo baxeen.

Dilalka wariyaasha ayaa aad ugu badnaa dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho, Wuxuuna Marxuumka la dilay xilka dilkiisa uu Gaari uu lahaa kala soo baxaayay Garaash gurigiisa cabaar u jira, halkaasi oo ay ugu soo galeen laba nin oo xirnaa dhrka lagu yaqaan ardayda dhigata Iskuulka, dhamaan Madaxda iyo Shaqaalaha Websetkaan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Saxafiyiinta iyo Ehaladii uu ka geeriyooday, waxayna Alle uga baryayaan inuu Janadii Fardooso ka waraabiyo Aamiin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)