Somali News
    Hees  

Shaqaaqo culus oo ka dhextaagan Soomaalida iyo Oromada Johannesburg

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shaqaaqo culus oo ka dhextaagan Soomaalida iyo Oromada Johannesburg

Shaqaaqo xoogan ayaa ka taagan magaalada Johannsburg ee dalka Koonfur Africa ka gadaal markii ay is risaseyn muddo socotay dhex maray Soomaali iyo Itoobiyaan halkasi oo dhaawacyo halis ah oo aysoo gaareen qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa iyo kuwo socota ah.

Boqolaal Police-ka dalka Koonfur Afrika ah ayaa ku baxay joojinta shaqaaqo culus oo xalay saqdii dhexe ka socotey magaalada Johannesburg xaafadda Mayfair halkaasi oo gacan ka hadal uu ku dhexmarayay Soomaalida iyo qoowmiyadda Oromada.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta in dhamasho ay jirto iyo in kale balse warar qaar oo aan helayno ayaa sheegaya in halkaasi lagu burburiyay hanta badan oo ay Soomaalida leedahay kuwo kalena la dhacay.

Shaqaaqadani ayaa waxa ay ka dhacday xaafada Mayfer oo ay Soomaalida aad u degto waxana hadda goobta soo buux dhaafiyey ciidamada ka hortaga rabshada kuwaasi oo dhex galay dhinacyadii dagaalamayey dadka degaanka oo aan la xariirnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad loo xeray dhacdadani.

Dagaalka ayaa la shegay in ay duulaan ahaayeen Itoobiyaanka oo isa soo bihaystay iyo Soomaalida oo degaankasi aad u degnayd waxayna mar qura ooda ka qaadeen xabado aanan loo meel dayin sidasi waxa saxafaada u sheegay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliya.

Gawaari iyo ganacsiyo badan ayaa cagta la mariyey labada dhinacba, iyada oo tuuryada iyo halgaadada ay dadka indhaha ka tuureyso, boqolaal dad ah ayaa labada dhinacba ka qeybqaadanaya shaqaaqada oo u eg mid faraha kasii baxaysa.

Tani ayaa dad badan ku tilmaamen nasiib darro iyadoo saraakiisha booliska South Africa ay baarayaan cidda dagaalantey iyo sababta dagaalka keenay sidoo kale waxay su’aalo weydiinayeen qaar ka mid ah dadka hubka lagu dagaalamay sida lagu helay.

Waa markii ugu horeysay oo shaqaaqo is rasaaseyn dhex marto Soomaalida iyo Itoobiyaanka ku nool South Africa waxayna tani cashir u tahay kooxaha dhaca iyo boobka u geysanaya dadka qaxootiga ku ah South Africa.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo36@hotmail.com

Tell 0027721277344

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)