|
Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabanaayo dalka Sacuudiga
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo lagu qabanaayo dalka Sacuudiga
Waxa la filayaa in Magaalada Barakeysan ee Makkah uu ka furmo 14-15ka Bishan August shir ay qabaneyso Boqortooyada sacuudi Arabia kaasi ajandayaasha lagusoo hadal qaadauyo ay kamid tahay Xaalada Wadnka Soomaaalia uu iminka marayo iyo dhinaatooyimka kajira qaar kamid ah dalalka Islaamka.
Xog hayaha guud ee Ururka Shirweynaha Islaamka Ikmaaludiin Ixsaan Ooglooayaa sheegay in kulankaasi oo socon doona mudo Labo maalmood ah ay kasoo bixi doonaan Natiijooyin wax ku ool ah oo isbadalana ku keeni kara Xaalada Amni dara iyo tan siyaasadeed ee Soomaalia.
Dalal badan oo aan ka tirsaneyn Shirweynaha Islaamka ayaa kulank goob joog ka noqonaya waxaana kamid ah Mareykanka oo faragalin joogta ah ku haya Wadamada Islaamka sida Soomaalia ,Siiriya ,Falastiin iyo Afghan islamarkaana uu matalayo Safiirka Xukuumada Washiton eeUrurka Shirweynaha Islaamka ninka lagu magacaabo Rashad Hussain.
Inta badan dalalka Caalamka Islaamka ay waxaa ka jira dhibaatooyin isugu jira kuwa ay kala kulmaan Dowlado Shisheeye iyo in iyaga dhaxdooda laysku adeegsado balse waxaa lawada sugayaa waxa uu uga duwaanan doono kulamo dhowr ah oo ay isugu yimaadeen Wadamada Shirweynaha Islaamka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|