|
Labo qofood oo mid ka mid ah shaqaalaha shirkada Hurmuud oo maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Labo qofood oo mid ka mid ah shaqaalaha shirkada Hurmuud oo maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha
Gudaha suuqa bakaaraha waxaa maanta siyaabo kala duwa loogu diley labo ruux oo mid ahaa Kuxigeenkii dhinaca ammaanka u qaabilsanaa Shirkada Isgaarsiinta Hormuud iyo askari dowlada ka tirsan.
Sarkaalka Hurmuud u shaqeeya oo lagu magacaabi jirey Maxamed Raage ayaa la sheegay in laga qaatay 40,000 doolar markii la dilay kadib, kooxihii dilkaasi ka danbeeyay ayaa baxsaday waxaana markaa kadib goobta laga soo qaaday meydka ninka la dilay.
Sidoo kale askari dowlada ka tirsan ayaa maanta lagu dilay isla suuqa bakaaraha markii isagana laga qaatay baastoolad uu watay sida wararku sheegayaan iyadoo kooxihii dilkaasi ka danbeeyay aan la aqoonsan waxa ay ahaayeen iyo ujeedka ay u dileen intaba.
Xaalada suuqa bakaaraha ayaa maalmahaan danbe iska ahaa mid iska liita iyadoo ay ku soo kordhayaan dhaca iyo dilka loo geysanayo dadka halkaasi ku ganacsada ee ama shirkadaha ka shaqeeya ama dadka kalaba.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|