Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


(Mogadishu, Somalia, Aug, 12, 2012)Maadaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.

Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.




------------ Dhammaad------------



Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada
Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so

--
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)