|
Mahiga oo ka naxsan geeridii Yuusuf Farey
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Mahiga oo ka naxsan geeridii Yuusuf Farey
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii maanta
ay kooxo hubeysan magaalada Muqdisho ugu geysteen Yuusuf Cali Cismaan “Yuusuf Farey” oo ka mid ahaa hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta
Soomaaliya.
Augustine Mahiga waxaa uu sheegay in xafiiskiisu uu si kulul uga xunyahay
sida dilku u dhacay waxaana uu intaa ku daray inay tacadiyada wariyaasha
Soomaaliya loogu geysto.
Danjire Mahiga waxaa uu xusay inuu xanuunka la wadaagayo eheladii iyo
asaxaabtii ay shaqadu kala dhaxeysay Allaha u naxariistee marxuumka.
Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay madaxda
dawlada Soomaaliya inay baaritaan ku sameeyaan cidda ka dambeysa weerarada
wariyaasha lagu qaado.
Kooxo hubeysan oo sida la sheegay ku labisnaa dharka ay ardaydu qaadato
ayaa toogasho ku dilay Yuusuf Cali Cismaan “Yuusuf Farey” xilli uu
gaarigiisa kala baxay garaash ku yaala degmada Dayniile.
Meydka marxuumka ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Baqdad oo degmada
Dharkenley ku yaala.
Madax ka tirsan dawlada oo ay ku jiraan mas’uuliyadda wasaaradda warfaafinta
ayaa ka qeyb galay aaska marxuumka maanta la dilay.
Allaha u naxariistee Yuusuf Farey waxaa uu ahaa mihnadyahan
saxaafadeed oo muddo
dheer ku dhex jiray hawlaha saxaafadda.
Waa wariyihii Sideedaad oosi bareer ah loogu dilo dalka Soomaaliya
sanadkaan gudahiisa waxaana dilkaan cambaareeyay ururka saxafiyiinta
Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|