Somali News
    Hees  

Danjire Mahiga oomar kale ku celiyay inay socoto wax is dabarin la xariirta soo xulista baarlamaanka cusub

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Danjire Mahiga oomar kale ku celiyay inay socoto wax is dabarin la xariirta soo xulista baarlamaanka cusub

Hadal uu siiyay warbaahinta danjire Augustina Mahiga oo ah u qeybsamaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hadda ay ka jirto Soomaaliya xaalad wax is daba marin tii ugu dareyd ah oo ay wadaan xubno doonaya inay madax ka noqdaan dawlada cusub ee Soomaaliya yeelanayso.

Danjire Augustina Mahiga waxaa uu sheegay in madax badan oo hadda dawlada ku jira iyo kuwa kale oo doonaya inay madax noqdaanay wadaan ololihii ugu dambeeyay oo ay ku qasayaan hanaanka doorashada Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in madaxda hadda ee dawlada ay u xusul duubayaan in dib loo soo doorto sida uu yiri.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimahas siyaasadda Soomaaliya waxaa kale uu hadalkiisa ku sheegay in xubno badan ay lacago badan ku bixinayaan soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub ka mid noqonayso si ay u helaan xilalalka M/weynaha, Gudoonka baarlamaanka iyo madaxtinimo kale taasoo uu sheegay inay caqabad ku tahay hanaanka doorashada Soomaaliya oo hadda ka baxaysa xaalad ku meel gaar ah.

Mahiga waxaa uuu tilmaamay in inkastoo aysan Soomaaliya xilligaan ka jirin guddi doorasho oo madax banaan haddana waxaanu tilmaamay in wax walba oo dhaca lagu ogaanayo baaritaano la sameeyo taasoo keeni doonta in la cuna qabateeyo cid kasta oo wax is daba marin ku soo baxdo.

Ururka goboleedka IGAD, ururka Midawga Africa iyo golaha amaanka ee QM ayaa dhawaan war murtiyadeed ay si wada jir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida ay noqon doonto doorashada Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)