Somali News
    Hees  

Oyo Nyeko: "Ciidamada Booliska AMISOM waxay ka howlgeli doonaan iyaga oo Caawinaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.."

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Oyo Nyeko: "Ciidamada Booliska AMISOM waxay ka howlgeli doonaan iyaga oo Caawinaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.."

Oyo Nyeko Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska ee AMISOM ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada hordhaca Booliska AMISOM ee muqdisho soo gaaray inay ka howl Gali Doonaan iyaga oo Caawinaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka waxa uu sheegay in ay ciidamadaasi marka hore ay fariisiin ku wada yeelan doonaan 16-ka Saldhig ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale uu Sheegay in ay Ciidamadaan ka shaqeyn doonaan soo celinta amniga iyo Sharciga Dalka.

Sidoo kale Oyo Nyeko ayaa intaa ku daray in Ciidamadaani soo gaaaray Muqdisho yihiin Ciidamo dhawaan ka yimid Dalka Uganda Maalmaha nagu soo aadana ay Ciidamo Boolis ah Gana Sacda dalka Naajeeriya Muqdisho imaanayaan kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalada Ciidamada AMISOM.

Taliye Xigeenka ayaa hadalkaani ka jeediyay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Shibis oo ay Goor Dhow Booliska AMISOM Fariisimo ka sameysteen Halkaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)