|
Beelaha Reer Shabelle oo sheegay in la iibsaday xubinta ay ku lahaayeen Baarlamaanka Cusub.
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Beelaha Reer Shabelle oo sheegay in la iibsaday xubinta ay ku lahaayeen Baarlamaanka Cusub.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ugaasyada, N/doonada, Aqoonyahanada, iyo Culumaa’udiinka ee Beelaha Reer Shabelle oo kala ah jufooyinka kulanle iyo Badbedaan waxay kaga hadleen qaabka soo xulista Xildhibaanada waxayna saxaafada u sheegeyn in aysan ku qanacsaneen soo xulida xubnaha Barlamaanka cusub.
Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud oo ah Ugaaska Beesha Reer Shabeele oo Radio Shabelle la hadlay ayaa waxa sheegay in wax la tashi ah oo asaga Lala sameynin qaabka loo soo xulay Xildhibaanka beesha u matalaaya Barlamaanka Cusub, isla markaana aan jirin wax xubin ah ay ku yeesheen maadaama uu sheegay xubintii ay lahaayeen laga iibsaday Nin aan ka soo jeedin Beesha Reer Shabeele, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadaan nahay Beesha Reer Shabeele waxaa dhacday in Ergadii la soo xulay qeyb aan ka helnay hal xubin xildhibaan oo ka mid xildhibaanada Jareerweyne , ayey ku qoraan Dr Adan Xaaji Ibraahim oo ah ninka ay gudbiyeen Sadaxda odayaasha dhaqanka ee u matalaya beelaha jareerweyne ee ka midka ah shirka 135 oday, Dr.Adan maaha qof u dhashay ama matala Reer Shabeele, shaqsigaas ayaa u dhashay Beesha Karanle oo tirsan beesha Murasade/ Hawiye, waan diidnay nama matalo mana ogolin qaabka lagu sheegay in uu ku noqonayo Xildhibaan ka soo jeeda reer shabeelle” sidana waxa yiri Ugaas Muxumad Xasan Daud.
Sidoo kale Ugaas Ibraahim Axmed iyo Cabdulaahi Ciid ayaa ayaguna waxay sheegeen iney jirto isdawa marin ay sameeyeen dad ay sheegeen iney Beesha Jarer weyne ugu qeyb galeen soo xulida xubnaha waxaana sheegen sidoo kale inaanan marbana aqbali doonin in xubin ay lahaayeen ay Beel kalo ay qaadato waxaa intaa ay ku dareen in arintaasi loo baahan yahay Beesha Caalamka iyo Dowlada ku meel gaarka ay soo fara giliyaan gaar ahaan Gudiga Khilaafaadka, isla markaana ay u soo celiyaan xubintooda hadii taasi ay dhicin bey yiraahdeen waxa ka dhasha waxaa dusha u ridan doonta eedeyda cidii arrinkaaswi Falkisay.
“waxaan ugu baaqeynaa Gudiga qilaafaadka in ay jooji yaan Ninkaasi aysan meeshaasi ay ku qorin Ninkaasi wuu iibsaday Lacag ayuu kala baxay Jareerna ma ahan waa Nin Habiya ah Nin Habiya kursiga Reer Shabeele ma qaadan karo” sidaana waxaa raaciyay Cabdulaahi Cumar Ciid.
Tan iyo markii la ansixiyey Dastuurka isla markaana la guda galay soo xulida Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa isa soo taraya cawasho balaaran oo ay ka soo yeereysa qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo sheegayey in la musmaasuqay qaabka soo xulista xubnaha u matalaaya baarlamaanka cusub.
SOMALIA REPUBLIC
11/8/2012
To: Technical Selection Committee
To: Solution Committee
To: Chief Clan Aweys Husein Honera
A Ware of: the Members of M.P of Shabelle Clans
A Ware of: General Chief Clan of Shabelle
Subject: Decision of Shabelle Clan to Selected Member of Somali M.P.
We On behave of Shabelle Clan such as Ugas, Chief of Clan, Intellectuals, religious persons and Politicians of the two sub clans called Kulanle and Badbedan recognized to Elect the member of Somali M.P will Achieve Mr. Abdullahi Omar Aid
We rejected or case against on Dr. Adan Haji Ibrahim to Selected M.P the Elders of Jarer Weyn to Emitted Mr. Adan as Shabelle Clan, he is not Jarer Weyne, He is Hawiye Sub Clan Karenle / Mursade Clan, we will not allow that person to represent M.P because he doesn’t well Know Shabelle clan and he has not ability to develop our region and our clan.
The ones this letter directly concern. We are informing you that man whose name Adan Haji Ibrahim cannot represent us as M.P.
Representative of Rer Shabelle .
Elders signed on are
1 Ugas Abdi Husein Aidle _________________________
2 Ugas Sheik Muktar Abdi Roble _________________________
3 Suldan Dire Mohamed __________________________
4 Ugas Moh’med Da’ud Hasan __________________________
5 Suldan Omar Aid __________________________
6 Mohamed Ibrahim Dukow __________________________
7 Nabadon Ali Badal Farah ___________________________
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|