|
Mo Farah oo Israacsaday Biladaha Dahabka ee Orodada 10,000 vs 5000 miter Olombikada London 2012...
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Mo Farah oo Israacsaday Biladaha Dahabka ee Orodada 10,000 vs 5000 miter Olombikada London 2012...
Ciyaaryahan Mo Farah oo u ordayay Dalka Great Britain aslkiisuna yahay Soomaali ayaa Xalay ku guuleystay Bilada Dahabka ee Orodka 5000 miter ee dhinaca Wiilasha ka dib Markii uu ka qaaday Orodyahanadii kale ee kula Loolamayay isla Markaan wareegii 13 ee ugu Dambeeyay uu ku dhaafay orodkii looga bartay waxaan uu Hore ugu Guuleystay Ciayarayahnkaan Mo Farah Bilada Dahabka ee orodka 10,000 miter isagoo sumcad aad u weyn u soo Hooyay Dalka Great Britain iyo Soomaalida meel kasta oo ay Joogto.
Orodyahan Mo Farah waxaa Kaalinta 2 iyo 3 u Galay Orodka 5000 2 ciyaartooy oo u kala dhashay Itoobiya iyo Kenya waxaan markii uu orodka dhameystay uu Salaamay taageerayashiisa ku sugnaa Garoonka isagoo Farxadi ka muuqato wajigiisa.
Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland ayaa Markii orodyahanku guuleystay ay dhalinyaro fara badan Sacab Xoogan Jaanta iskula heleen iyagoo ku Faraxsanaa Guusha 2 ee Taariikhiga ah ee uu Ka Gaaray Ciyaarayahankaan Olombikada London 2012 waxaana dhalinyaradu ay isaga hambalyeynayaeen Guusha uu soo hooyay Halyeey Mo Farah.



Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|