|
Mexico oo Ku Guuleysatay Bilada Dahabka Kubada Cagta Wiilasha vs Xidigihii Da,da yaraa ee Brazil o Laga Curyaamiyay inay Ku Guuleystaan Biladaasi ( 2-1 )
Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mexico oo Ku Guuleysatay Bilada Dahabka Kubada Cagta Wiilasha vs Xidigihii Da,da yaraa ee Brazil o Laga Curyaamiyay inay Ku Guuleystaan Biladaasi ( 2-1 )
Xulka Mexico ee dadoodu ka hooseyso 23 sano kana qeybgalayay Olombikada London 2012 ee dhinaca Kubada Cagta Wiilasha ayaa ku Guuleystay Bilada Dahabka ee Tartankaasi ka dib Markii ay 2-1 ku quusiyeen Xulka Brazil oo ay u Ciyaarayayeen Xidigaha uu Dalkaasi la soo shirtagi doono 2014ka Koobka Aduunka ee uu Martigalinayo.
Daqiiqadii 1 vs 75 ayaa waxaa 2 gool ee ay ku badiyeen Mexico qalinka Ku duugay Weeraryahankooda lagu Magacaabo Peralta Ciyaaryahankaasi oo ah Laacib dhameystir Wanaagan.
Brazil oo qeybtii Danbe xoogaa Madaxa la soo kacday iskana Cuntay Dhowr fursadood ayaa waxaa dhamaadkii Ciyaarta daqiiqadii 90 Goolkeeda Madiga ah u dhaliyay weerarayahanka Naadiga Fc Porto ee Dalka Portuqal Ciyaarayahan Hulk oo u sitay Lambarka 12 waxaana Ciyaartii ay ku soo idlaatay Mexico oo 2-1 Hantay Biladii Kubada Cagta ee dhinaca Wiilasha Tartanka Olombikada London 2012 .
Xulka Mexico oo Muujiyay Mudadii Tartanku socday Ciyaar aad u heersareysay farsamadeeda isla Markaana u soo quus goysay Xulal adkaa sida Sanegal oo ay wareega 8 ku reebeen iyo jabaan oo ay uga Taqluseen Sami finalka.
Kalainta 2 ee Bilada Qalinka waxaa Qaaatay Brazil,Halka Kaalinta 3 ee Bilada Maarta ay Qaateen Xulka Koonfurta Kuuriya.
2008 Tartankii Olombikada ee lagu qabtay dalka shiinaha waxaa qaatay Bilada Kubada Cagta ee dhinaca Wiilasha Arjantiin,Qalinkana Neyjeeriya oo ay uga Badiyeen Finalkii 1-0 Goolkaasina uu u dhaliyay Di Maria oo ka mida Weeraryahanada Real Madrid vs Xulka Arjantiin.





Waxaa Diyaariyay
AxmedMaxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|