Somali News
    Hees  

Ibrahimovic oo Xalay Badbaadiyay Kooxdiisa Cusub ee PSG Ciyaateedii ugu Horeysay Horyaalka Ligue 1 oo ay kaga Hortageen Kooxda Lorient

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ibrahimovic oo Xalay Badbaadiyay Kooxdiisa Cusub ee PSG Ciyaateedii ugu Horeysay  Horyaalka  Ligue 1 oo ay kaga Hortageen Kooxda Lorient.

Weeraryahanka u dhashay Dalka Isweden  Ibrahimovic ayna Kooxda PSG kala soo wareegeen Naadiga Ac Milan ee Dalka Talyaaniga ayaa Xalay Badbaadiyay Kooxdiisa Cusu ee Paris Cent German ka dib Markii uu qeybtii Danbe ee Ciyaarta 2 gooloo midka hore Rigoore ahaa uu qalinka ugu Wada Duugay xili 2 gool ay ku hogaamineysay Kooxda Lorient Kulankii ugu Horeeyay Horyaalka Liguie 1 ee Franca 2012-2013.

Ciyaartaan ayaa ku dhamaatay Xiligii loogu Talagalay 2-2 Barbardhac ah Hadana Marka la fiiriyo Awooda 2 Naadi Kooxda PSg si weyn ayey Xalay uga Gacan sareysay Kooxda Lorient Gaar ahaan qeybtii Danbe oo Inteeda badan ay Paris heysatay KubadaWalow Fursado Goolallagu filan karay ay ka Qasaareen ayan ka lumiyeen 3 xidig ee lagu kala Magacaabo Ibrahimovic,Menaz,iyo Lavezzi.
Ibrahimovic oo Xalay Wacdaro dhigay ayaa Goolsha Kooxdiisa Cusub ee PSG waxa uu u kala dhaliyay Daqiiqadihii 65 iyo 90

Horyaalka Ligue 1 ee Franca 2012-2013 oo Bilow ah waxaa min 3 dhibcood ku Hogaaminaya Kooxaha Lyon,Lile,Bordeaux, Valenciennes.Ajaccio, Bastia.

Kooxaha Reinis vs Marseille ayaa Caawa iyaguna Ciyaari doona Lugtoodii ugu Horeysay Horyaalka Ligue 1 ee Franca 2012-2013.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)