Somali News
    Hees  

QM oo sheegtay inay dhiban yihiin 2.51 million oo Soomaali ah.

Mogadishu Axad 12 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


QM oo sheegtay inay dhiban yihiin 2.51 million oo Soomaali ah.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xiriiriyaha arimaha bini’aadinimada QM u qaabilsan Somalia ee (OCHA) oo uu soo saaray
Mark Bowden oo madax ka ah xafiiskaasi ayaa lagu sheegay in malaayiin soomaali ah weli ay heysato dhibaatadii ay ka dhaxleen abaartii Somalia ka dilaacday sanadkii hore oo ay u baahanyihiin in la gar gaaro.

Waxana war saxaafadeedka uu soo saaray mark Bowden lagu tilmaamay in 2.51 milion oo soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin gobollada dhaca bartamaha iyo koonfurta Somalia, iyadoo ay taasi sii dheertahay in 1.29 million oo kale ay Qatar ugu jiraan inay ku laabtaan macluushii
ay ka soo kabsadeen , si looga hortago arimahaas oo idilna waxa uu Mark Bowden sheegay in wadamada deeqaha bixiya looga baahanyahay lacago lagu taakuleeyo dhibanayaasha soomaalida.

"Waxaan u baahannahay ficil muuqda oo ay ku dhaqaaqaan wadamada deeqaha bixiya , si aan isbadel la taaban karo aan ugu sameyno dadka soomaaliyeed eek u rafaadsan qaar kamid ah gobollada dalka Somalia" ayuu Mark Bowden ku yiri warsaxaafadeedkiisa , isagoo intaasi sii
raacsiiyay in Qeybo kamid ah koonfurta Somalia ay ka da’iwaayeen roobabkii Guga ee la filayay inay da’aan intii u dhexeysay April iyo june taasina ay sare u qadeyso baahida dadka soomaalida ah.

Soomaali badan oo ku sugan xerooyin barakacayaal ah iyo kuwo qaxooti ayaa xillgan u baahan gar gaar , waxana marar badan hey’adaha gar gaarka ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)