|
Diyaarado dagaal oo Helicpters ah oo ay leedahay Dowladda Uganda kuna soo socday Soomaliya ayaa lagu la'yahay Hawada Dalka Kenya
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaarado dagaal oo Helicpters ah oo ay leedahay Dowladda Uganda kuna soo socday Soomaliya ayaa lagu la'yahay Hawada Dalka Kenya
Tiro Diyaarado Helicpters oo ay leedahay Dowladda uganda oo kasoo kicitimay Garoomka Diyaaradaha Magaalada Inteeba ee Wadanka Uganda ayaa la waayay marka laga reebo Hal Diyaarda oo ku dagtay Magaalada Wajeer ee Kenya waxaana ay ku soo jeedeen dalka Soomaalia si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira xarakada Al-Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Milatariga Uganda Felix Kulayigye oo u waramay Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay inaysan aqoon waxa ku dhacay Helicoptaradaasi oo uu sheegay in lagu la’a yahay Hawada Wadanka Kenya, balse waxa uu xaqiijiyay in mid kamid ah ay ku dagtay Magaalada Wajeer oo loogu talagalay in dhamaantood ay Shidaal ka qaataan.
Afhayeenka Milatariga Uganda waxa uu sheegay inay Xiriiro la sameeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Kenya islamarkaana tani aysan dhabar jab ku noqon doonin Howlgalka Amisom ee Uganda ay qeybta ka tahay iyo Diyaaradaha ay dooneyso inay usoo dirto Soomaalia.
Dowladda Uganda ayaa shaacisay 7 dii Bishan August in Soomaalia ay usoo daabuleyso Ciidamo Cirka ah iyo Diyaarado dagaal kuwaas oo taageeraya dagaalada Ciidamada Amisom islamarkaana dusha sare ka ilaalinaya goobaha Doorashooyinka Soomaalia ay ka dhici doonaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|