|
Dowladda oo Cambaareyneysa Dilkii Agaasime Yusuf
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda oo Cambaareyneysa Dilkii Agaasime Yusuf
(Muqdisho, August 12, 2012) Dowladda waxay si xoog leh u cambareyneysaa dilka qorsheysan ee loo geystay agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta u qaabilsanaa xiriirka saxaafadda, marxuum Yuusuf Cali Cismaan, oo maanta gelinkii hore lagu dilay xaafada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, kadib markii ay soo weerareen rag bastooladdo ku hubeysan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed in uu ka xun yahay dilkii loo geystay agaasimaha, “Waxaan si gaar ah uga xun nahay dilkii saaxiibkeen, Yuusuf Cali Cismaan, oo ahaa agaasime howlkar ah oo wax badan ka qabtay Wasaaradda Warfaafinta” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka oo intaas ku daray ayaa yiri, “Waxaan cambaareyneynaa dilka waxshinimada ah ee loo geystay muwaadin usoo taagnaa horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa muddo ka badan 30 sano.” Dowladda waxay tacsi u direysaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, asagana waxaa Ilaah looga baryayaa in naxariistii janno ka waraabiyo.
Marxuumka Yuusuf waa kii ugu danbeeyay ee lala beegsado dil qorsheysan, taas oo dhawaanahan lagu hayay shaqsiyaad waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, sida shaqaalaha dowladda, saxaafadda iyo bulshada rayidka. Dowladda waxaa ka go’an in dabagal lagu sameeyo kooxaha caasimada ka fuliya dilalka qorsheysan ee argagixisada ah.
###
Press Release 68/2012
الحكومة الصومالية تدين بشدة مقتل مدير دائرة التنسيق في زارة الإعلام
(مقديشو: 12 أغسطس، 2012) تدين الحكومة الصومالية بشدة إغتيال مدير دائرة التنسيق لوزارة الإعلام يوسف عثمان علي في حي "طركينلي" في مقديشو من قبل رجال مجهولين مسلحين بمسدسات صباح اليوم الأحد.
وقال وزير الإعلام والبريد والاتصالات معالي عبد القادر حسين محمد (جاهوين ) اليوم في تصريح لوكالة الأنباء الوطنية الصومالية(صونا)" نشعر بالحزن ونحن لا سيما من جراء فقدان زميل عظيم، والسيد يوسف علي عثمان، الذي كان مديرا اتسم بالعمل الدؤوب في وزارة الإعلام لسنوات طويلة.
وأضاف الوزرير:" إننا ندين بشدة هذه الجريمة النكراء التي أودت بحياة المواطن الذي تفاني في تطوير بلاده وشعبه لمدة 30 عاما ".
والحكومة الصومالية ترسل تعازي القلبية لأسرة الفقيد وتسأل الله أن يتغمد واسع رحمته .
والمرحوم يوسف هو آخر ضحية يتعرض لعملية اغتيال مخططة، وهي من العمليات المستهدفة ضد الشخصيات الوطنية المؤثرة مثل موظفي الحكومة الصومالية، والصحفيين ، ورجال المجتمع المدني.
وفي الختام تلتزم الحكومة الصومالية الانتقالية إجراء تحقيق وضمان تقديم الجناة في العاصمة مقديشو إلى العدالة.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|