Somali News
    Hees  

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxweynaha

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxweynaha

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay maanta inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxweynaha, waxaana shir jaraa'id oo uu Saxaafadda u qabtay ku faahfaahiyay musharaxnimadiisa.

Musharaxa madaxweyne Salaad Cali Jeelle waxa uu sheegay inuu khibrad iyo waaya aragnimo fog u leeyahay dowladnimada Soomaaliya xilligii gobanimadoonka ilaa maanta, wuxuuna ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay Soomaaliya, xilligii qaranimada burburtay oo uu sheegay in wax kasta oo dalka soo maray laga gudbo isla markaana maanta loo baahan yahay in naf, maal, muruq iyo maskaxba loo huraa sidii looga mira dhalin lahaa samatabixinta iyo badbaadinta dadka iyo dalka.

"Waxaan u soo bannaan baxay oo aan isku taagay musharaxnimada xilka Madaxweynaha inaan hagaajiyo anigoo Alle weyn ka sokow la kaashanaya wada shaqeyn buuxdana ka rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.

Mushaxa ayaa sheegay in haddii la doorto uu shacabka Soomaaliyeed u ballanqaaday 5-qodob oo uu sheegay inuu mudnaanta koowaad siinayo:-

1. Amniga iyo kala dambeynta oo uu sheegay inuu khibrad u leeyahay
2. Dhameystirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka si loo fududeeyo in afti laga qaado shacabka Soomaaliyeed isla markaana dastuurka uu meel maro.
3. In Dowlad wanaag dalka laga hirgeliyo lalana dagaalamo musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta.
4. In Garsoor madax bannaan la sameeyo, si cadaalad hufan looga hirgeliyo dalka oo dhan.
5. Xoointa xiriirka caalamiga ah si beesha caalamka iyo wadamada jaarka ah aan wada shaqeyn buuxda ula sameyno si loo helo nabad & wax is dhaafsi dhanka ganacsiga ah aan ula sameyno dalalka deriska ah.

TAARIIKHDA IYO WAX QABADKII MURASHAX XILDHIBAAN SALAAD CALI JEELLE

Murashax halyey salaad cali jeelle waxaa uu ku dhashay magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe 11.kii march 1961.kii qur.aanka kariimka iyo culuunta kale ee diinta waxaa uu ku qaatay isla magaalada jowhar

Wax barashadiisii schoolka waxaa uu ka bilaabay magaalada jowhar, july.22 keedii 1971 kii halyey salad cali jeele oo ahaa nin dhalinyaro ah aadna u jecel horumarka iyo difaaca dalkiisa waxaa uu ku biiray ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed sanadkii 1979 kii isaga oo dhibowgii ama tababarkiisii koobaadna kusoo qaatay dugsigii ciidanka xoogga ee hiilweyne ee degmada balcad gobolka shabeelaha dhexe

1980 kii ilaa 1982 kii waxaa uu kasoo shaqeeyay qaar kamid ah qeybihii gasaskii iyo guutooyinkii milaterigii soomaaliya isaga oo dadaal.karti iyo geesinimo dheeraad ah oo uu sameeyay daraadoodna lagu abaal mariyay dalacsiin darajo ciidan xiliyo is xig xigay

Sanadihii 1982 ilaa 1983 waxaa uu ka mid noqday saraakiishii hogaankii gaaskii shanaad guutadii 7aad degmada balad weyne ee hoos tagayay qeybtii 21,aad saldhigeeduna uu ahaa degmada dhuusa mareeb ee xarunta gobolka gal guduud isaga oo qaabilsanaa qeybta hubka culus ee ciidanka lugta

Markii uu taliskii dowladii kacaanku bilabay in uu dib ugusoo noqdo shacabkii soomaaliyeed ee deganaa gobolada iyo degmooyinka dalka kulana dhaqaaqay gumaad maamulkii dalkana ay hareeyeen musuq maasuq iyo in qabaa.ilka laysugu dhiibo hubkii loogu tala galay difaaca xuduudihii qaranka mudane salaad cali jeelle waxaa uu xiriir la sameeyay hogaankii jabhaddii (SSDF) oo uu xiligaa ahaa alaha u naxariistee Colonel cabdulaahi yuusuf axmed madaxweynihii hore ee soomaaliya si uu qeyb uga noqdo halgankii hubeysnaa ee lagula jiray taliskii kacaanka

Murashax saaad cali jeele markii uu isku hubaal geliyay xiriirkii (SSDF) waxa uu si xeeladeysan u abaabulay saraakiishii la shaqey neysay ugana dhaadhiciyay qorshihiisa ku aadan in lala dagalamo taliskaasi kadibna waxaa uu ku guuleystay in uu ku qanciyo saaxibadiis qorshihii uu watey waxaana uu xadka u dhexeya SOMALIA IYO ETHIOPIA kala talaabay saraakiil,iyo ciidan uu qalabkooda milateri u dhan yahay waxana uu ka tirsanaa ilaa 1985 kii taliskii aagii dhexe ee mustaxiil ee (SSDF)

Dabayaaqadii 1987 kii waxaa uu ku waregay dhinaca jabhadii (SNM) waxana uu xubin ka noqday golihii dhexe ee urur kaas isaga oo kamid ahaa saraakiishii laga xulay kal fadhigii dhexe magaalada herer ee wadanka ETHIOPIA

Sanadkii 1991 kii markii la riday taliskii milateriga waxaa uu ka mid noqday saraakiishii isu xil saartay in ay dib usoo nooleeyaan muuqaalkii iyo heybadii xoogga dalka isaga oo isla sanadkaas loo magacaabay madixii amniga ee xafiiskii ra,isul wasaare cumar carte qaalib

Intii u dhaxaysay 1997 ilaa 1998 waxaa uu ka mid ahaa abaabulkii iyo ka qeyb galkii shirkii magaalada balad weyne ee xalka loogu raadinayay laguna heshii siinayay beelaha hawiye oo uu mudane saalad u arkayay in ay xudun u ahaayeen colaadii ka taagneyd xiliyadaas gobolada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Sanadihii 1998 ilaa 2000 waxaa uu ahaa xog hayihii arimaha gudaha ee golihii wada tashiga soomaaliyeed oo ahaa mirihii iyo natiijadii kasoo baxday shirkii beelaha hawiye ee magaalada balad weyne golahaas oo uu gudoomiye u ahaa alaha u naxariistee Dr,xuseen xaaji maxamed bood

Sanadkii 2000 waxaa uu ka mid ahaa ergooyinkii soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkii uu gogoshiisa fidiyay madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geelle kana dhacay tulada carta ee isla wadankaasi

Sanadkii 2001 waxaa uu noqday xog hayihii arimaha bulshada ee gobolka shabeelada dhexe sanadkii 2002 waxaa uu noqday gudoomiye ku xigeenkii gobolka shabeelahda dhexe

Murashax xildhibaan salad cali jeelle dabayaaqadii sanadkii 2002 ilaa sanadkii 2003 waxaa ergooyinkii soomaalida ee isugu jiray dowladii (TNG) hogaamiye yaashii ururadii siyaasadda soomaaliya iyo qeybihii bulshaduba ay u doorteen in uu noqdo gudoomiyaha gudigii shir gudoonka ee shirkii ELDORET dalka Kenya iyada oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka kala socdey beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arimaha soomaaliya kuwaas oo aad ugu riyaaqay una soo dhoweeyay

Intii uu xilkaasi hayay mudane salaad waxaa uu aad ugu dhabar adeygay sidii uu uga miro dhalin lahaa ujeedooyinkii mas.uuliyaddiisa isaga oo ku guleystay hogamiyayaal iyo shaqsiyaad muhiim ah oo shirkaasi kasoo baxay in uu ku qanciyo inay madasha dib ugu noqdaan una tanaasulaan danta qaranka soomaaliyeed

Sanadkii 2004 waxaa uu noqday xubin kamid ah golihii baarlamaanka soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya isla sanadkii 2004 ilaa 2006 waxaa uu ahaa wasiir kuxigeenkii wasaaradda war faafinta ee dowladii uu madaxda ka ahaa ra,isul wasaare cali maxamad geedi

Murashax salaad cali jeelle 2006 ilaa 2008 waxaa uu ahaa wasiir kuxigeenkii gaashaan dhiga iyo sii hayihii wasiirka markii xilka laga qaaday wasiirkii wasaaradaasi COLONEL barre aadan shire hiiraale

Inta badan dadka soomaaliyeed gaar ahan kuwooda taariikhda qora waxay xusuusan yihiin in mudane salaad uu yahay mas.uulkii ugu horeeyay ee sabab u noqday in madaxweyne soomaaliyeed uu fariisto xarunta madaxtooyada qaranka ee VILA SOMALIA mudo ka badan 15 sanadood horaantii sanadkii 2007

21,kii fep 2007 markii qaramada midoobay ay meel marisay in soomaaliya loo soo diro ciidanka nabad ilaalinta ee amisom waxaa uu ahaa mas,uulkii lagala tashaday straatiijiyada milateri iyo qaabka ay u wada shaqeyn karaan ciidamada AMISOM iyo dowlada soomaaliya oo uu xaga difaaca u qaabil sanaa

Isla sanadkaas 2007 murashax salaad cali jeelle waxaa loo doortay oo uu loo magacaabay gudoomiyihii gudidiga amniga shir ka dhacay magaalada muqdisho waxaana xubno ka ahaa qeybaha muhiimka ah ee bulshada iyo saraakiisha laamaha amniga dalka isbadal amni ayaana laga dareemay xilikaag muqdisho

March 1 deedii sanadkii 2007 waxaa dalka soomaaliya soo galay cutubkii ugu horeeyay abid ciidanka amisom oo ka soday dalka UGANDA waxana uu mudane salad cali jeelle ahaa mas,uulkii ugu horeeyay ee uga hor tagay garoonka dayuuradaha ee muqdisho ee sida gaarka ah ay waajibaadka u kala qaateen taliyihii ciidankaas GENERAL LEVI KARUHANGA isaga oo faray in ay ku ekaadaan howlaha ay u ogol yihiin xeerarka caalamiga ah ee xaga nabad ilalinta ayna ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara sharafka iyo madax banaanida umadda soomaaliyeed

Waxaan shaki ku jirin in maanta dalkeenu uu marayo xili adag oo dhinacyada amniga,dhaqaalaha ,jahliga,cudurada,colaadaha,abaaraha,musuq maasuqa,intaba ay ku diloodeen sababna ay u yihiin madaxda maanta hogaanka dalka heysa oo ku fashilantay in sidii loo aaminay ay u gutaan amaanadii shacabku u dhiibtay wxaase xishood dari iyo indha adeyg ah kuwaasi ay mar,kale umadda soo hor istaagaan iyaga oo leh ha nala doorto murti soomaaliyeed ayaase tiraahda MAR,IDAGE ALAHA DAGO LABA JEER IDAGESE ANAA IS DAGAY

Waxaa marag ma doonto ah in dalka iyo dadkuba ay u baahan yihiin bad baado iyo in looga faa,iideeyo fursadan dahabiga ah ee caalamku noogu yaboohay sidaasi daraadeed waxaan kula dar daarmeynaa salaadiinta dhaqanka soomaaliyeed ee hidaha soo jireenka ah u lahaa in xaaladaha cakiran taladooda loo baxsado in ay ilaahay ka baqaan taariikhdooda wanaagsana aysan iska dhaawicin oo ay umadda usoo xulaan kuwo daacad ah oo aan laaluush iyo daneysi ku codkooda ku dhiibin balse kusoo doorta madaxweynaha daacadnimo karti dowlad oqoon

Hadaba walaalayaal murashaxa madaxtinimada dalka ee sanadka 2012 mudane salad cali jeelle hadii uu doorashada kusoo baxo waxaa uu umada soomaaliyeed si isku kalsooni daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu balan qaadaya in uu isbadal ay ku farxaan oo dhameys tiran ka gaar siiyo dhinac kasta oo ay dhibaato iyo dib u dhac ka tabanayaan in sha,alaah

MAHAD SANIDIIN

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA MADAXTINIMADA QARANKA EE MURASHAX SALAAD CALI JEELE MUQDISHO












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)