Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u ambabaxay Dalka sacuudiga

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u ambabaxay Dalka sacuudiga.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday inay soo dedejiyaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya inta aan la gaarin 20-ka agoosto oo ay dhaceyso doorashada madaxaweynaha.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in waqtiga uu ciriiri yahay isla markaana loo baahanyahay in wax waliba waqtigooda lagu qabto.

Madaxweynaha ayaa kulanka kadib ka duulay garoona diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo u kictimaya dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Sacuudiga.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)