|
Cumar C/rashiid : "Hurumarka dhanka amniga ee dowlada waan ku faraxsanahay,waxaana hor seed u ahaa hurumarkaaasi oo bilowday xukumaadii aan..."
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cumar C/rashiid : "Hurumarka dhanka amniga ee dowlada waan ku faraxsanahay,waxaana hor seed u ahaa hurumarkaaasi oo bilowday xukumaadii aan..."
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Ra'iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake kaasoo 2010-kii xilka iska casilay markii ay iskudhaceen isaga iyo Madaxweyne shariif.
Cumar C/rashiid markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdule ee Muqdisho waxaa si weyn u soo dhaweeyay mas'uuliyiin Dowlada ka tirsan sida wasiiro iyo xildhibaano iyo qeybaha kale ee bulshada.
Ra'iisulwasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa wariyayaasha kula hadlay garoonka waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka kala duwan ee dowladu gaartay.
Mas'uulka oo la hadal hayo inuu ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadana ka gaabsadayinuu taa cadeeyo waxaana uu dhanka kale xusay inuusoo dhaweynayo heshiiska qariidada nabada iyo talaabooyinka ay qaadeen lixda saxiixe ee heshiiskaasi.
"Hurumarka dhanka amniga ee dowlada waan ku faraxsanahay,waxaana hor seed u ahaa hurumarkaaasi oo bilowday xukumaadii aan anigu ka ahaa Ra'iisulwasaaraha"ayuu yiri Cumar C/rashiid
Siyaasigaaani waxaa kale uu wariyayaashau sheegay inuu kufaraxsan yahay dib ugu soo laabashadiisa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd inuu ku jiro damac ah inuu rabo xilka madaxweynaha sidaana uu Muqdisho u yimid waxaa uu kaga jawaabay in reerkiisu hanti badan xamar ku leeyihiin sidaa daraadeedna uu iminka si caadi ah u yimid xamar wixii ku soo kordhana uu dib ka sheegi doono.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|