Somali News
    Hees  

Koobka ramadaanka ciyaarihii oo gabagabada soo gaaray

Gothenburg Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waxaa shalay oo axad aheyd dhacday ciyaar aad u xiiso badneyd oo lawada sugaayay, ciyaartaas oo dhexmartay labada kooxood FC Liido iyo Jubba Express.

Waxaa ciiyaarta kasoo qeybgalay dadweyne aad u farabadan oo runtii daneynayay xiisaha ciyaartan. Waxaa kale oo iyaguna kasoo qeybgalay madax sare oo kakala socotay Eurosom sida Mudane Maxamad Diini iyo guddiga isboortiga magaalada Göteborg oo kasocday Macalin Aadan Oor, Yoonis iyo Ibraahim Qalinle.

Ciyaartu waxeey aheyd ciyaar aad u adag oo labada kooxoodba eey soo bandhigeen ciyaar wanaag. Gabagabadii ciyaarta waxeey natiijadu noqotay in FC Liido kaga badisay Jubba Express 8 iyo 2.

Waxaan ogeysiineynaa bulshoweynta soomaaliyeed iyo inta xiiseysa isboortiga in maalinta jimcaha uu dhici doono finalka oo eey ku tartami doonaan labada kooxood ee FC Liido iyo Fanoole.
Saacadana waa 19:00 iyo Kviberg.







ibrahim qalinle 
qalinle70@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)