|
Md. Sheekh Muqtaar: "Bannaanka ayaan u soo baxnay mana aamusi doono
hadaan nahay beelaha Banaadiriga"
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Md. Sheekh Muqtaar: "Bannaanka ayaan u soo baxnay mana aamusi doono
hadaan nahay beelaha Banaadiriga"
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen beelaha Banaadiriga isla
markaana uu soo qabanqaabiyay Wasiirkii hore ee xukuumadii Farmaajo
Md. Sheekh Muqtaar Sheekh Shuute, ayaa waxaa ka soo qeyb galay
Waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiinka, siyaasiyiinta,
aqoonyahanada, dhallinyarada iyo haweenka beelaha Banaadiriga.
Shirweynaha ay yeesheen beelaha Banaadiriga ayaa waxaa looga hadlay
xaqa beeshu u leedahay saamiga ay ku leedahay Dowladda cusub ee
Soomaaliya gaar ahaan hay'adaheeda kala duwan oo ay beelaha
Banaadiriga ahi sheegeen in la isku dayayo sidii meesha looga saari
lahaa.
"Anagoo ah odayaasha beelaha Banaadiriga waxaan beesha caalamka iyo
xoogagga AMISOM u jeedineynaa ammaan iyo mahad ballaaran dadaalada is
biirsaday ee ku saabsan sidii Soomaaliya uga hana qaadi lahayd hannaan
dowladnimo iyo xasilooni" ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay
kulanka beelaha Banaadiriga ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Sidoo kale bayaanka ka soo baxay beelaha Banaadiriga ayaa lagu
caddeeyay inaysan qaadan doonin xadgudubka joogtada ah ee weli lagu
hayo beesha, isla markaana xubnaha la sheegay inay beesha u xaroodeen
ayna matalin beelaha Banaadiriga, isla markaana raalli ka ahayn.
"Cadaalad darrada iyo xadgudubka lagu hayo beelaha Banaadiriga waxay
na xusuusineysaa heestii ay fannaaniinta Qaranka Waaberi ku luqeeyeen
ee ahayd:
Dulmi doonow, dulmi diidiidaan aragnee, dulmi diidow dulmi doon hays ku noqon;
Wixii dalka gubay, wixii la isku dilay, wixii dambi dhacay, ka
digtoonoow dab hulaaqeey noqotee;
Dulmi doonow, dulmi diidiidaan aragnee, dulmi diidow dulmi doon hays ku noqon;
Dood caddaalad ah, dadka maqashii, sharcigana dumi, ka digtoonoow, dab
hulaaqeey noqotee;
Sidaasi darteed anaga oo aqoonsan beel waliba xaqa ay u leedahay aaya
ka talinteeda halka idinkugu soo gudbineynaa in ay beesha Banaadiriga
guddoonsadeen:-
WAXAAN GUDDOOONSANAY;-
In beeshan ay hesho wixii dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen ama wax
ku qeybsadeen beelaha Soomaaliyeed;
In ay beeshu ay dhexdeeda is dulminin oo si cadaalada u qaybsato
xildhibaanadeeda,,lana siiyo labada xubin ee ka maqan Shabeelaha
Hoose/Marka,,madaama Oday dhaqameed aan loo xareyn laguna qanciyey in
ay helidoonan labadooda xildhibaan maantana ka dhax muuqda cadaalad
daradi lagu sameeyey Mbegathi oo kale, mana aqbaleyno ee hala siiyo
labadooda xubnood.
In beelaha Banaadiriga in aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo aan
waafaqsaneyn wixii ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed, sida uu
dhigayo qodobka 5aad ee heshiiskii magaalada Gaalkacyo;
In beesha Banaadiriga aysan aqbli doonin xubnaha ay magacyadoodu
gudbiyeen odayaal dhaqameedyada hadda u xareysan beelaha Banaadiriga,
In haddii la aqbalo xubnaha aan matalin beesha balse qaarkood aan
xataa dhalasho ahaan ka soo jeedin beelaha Banaadiriga,,,,, ay beeshu
si buuxda u qaadici doonto shirka ka socda Muqdisho;
In beeslaha Banaadiriga aanu aqbali doonin fikirki Mbagathi ee 2004
ee dagaal ogayaashi ay ku qaybsadeen xildhibanadi markaas, hadana ka
dhex muuqda beeslaha banaadiriga in ay ku qaybsadaan habkaas.
In ay beesha banaadirigu leeyihiin aqoonyahano iyo siyaasiyiin ilaa
heer wasiiro, taas waxaan ula jeednaa in aan fursad la siin ay
kula tartanaam musharaxiinta kale oo uu Odaygu gudbiyey lix ruux ookaliya oo aysanba haysan wax la tartama taana waa mid ugaar ah
Odayaasha soo xulaya reer Banaadir xildhibaanadooda mana ku raacsanin.
waxaan ogolan doonin hadii aan nahay beesha Banaadiriga,,,in ay
odoyaasha keenaan dad aan ceritriyadi aan soo buuxin hadana aan
ognahay in la gudbiyey magacyadooda,, dad aqoontoda aan garsiisneyn
heerka layska rabo.
Waxay beeshu la yaaban tahay oo kale in hadii aad fiiriso liiska
qabiilka ee wax lagu qaybsaday in qabiilo ku jira beelaha kale,
hadana lagu soo daray Banaadiriga,,, waxaan cadeyneynaa in ay ku
jireen Baarlamaanki u danbeeyey hal Qabiil oo laba canleynaya, waxan
ka wadnaa in qabiil hebel uu ku qaatay xildhibaan beesha Banaadiriga,
beelakana uu ku qaatay sida beesha Hawiyaha oo kale mana ogolaan
doono in maanta oo dalki Hooyo lagu qanayo aysan dhicin cadaalad dhab
ah ayadoo an codsaneyno in la sameeyo Gudiyo contoroola oo dhowra
cadaalada si aysan qaladkaas oo kale uusan dib ugu soo noqon .
Beelaha Banaadiga waxay ku hanweyn yihiin in la tixgaliyo dhamaan
hishiisyadii ay Somalida wadada gaareen ee tubta nabada gaar ahaan,,,,
shirkii Istambul oo hoosta looga xariiqay in Barlamaanka Cusub uu
noqdo mid loo soo xulo si cadaalad ah oo aaney mugdi ku jirin.
Haddaba beelaha Banaadiriga waxay si naxariis leh uga codsanayaan
dhammaan hey’adaha ay sida tooska ah u quseyso ashkatadan lagu
wargelinayaa in ay soo dhexgalaan si heshiis kama dambeys ah looga
gaaro khilaafkan oo sababi kara dib u dhac ku yimaada shirka.
Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay waxgaradka beelaha Banaadiriga oo
magacyadooda ay ka mid yihii:
1. Ugaaska Beesha Gendershe
2. Md. Abba Awoow Suufi, Madaxweynaha maamul goboleedka Banaadir State
3. Md. Xaaji Shiiqeey Malaaqa beelaha Banaadiriga
4. Xildhibaan Caamir Shakeeti
5. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali
6. Md. Toosane Shariif Abba, Guddoomiyaha Jaaliyadda Yeman
7. Md. Abba Sokor, Nabadoonka beelaha Banaadiriga
8. Md. Cumar Shariif Jeeg, Guddoomiyaha midnimada dhallinyarada ahna
afhayeenka beelaha Banaadiriga.
Ugu dambeyntii kulanka beelaha Banaadiriga go'aanadii ka soo baxay
ayaa lagu xusay baaq guud oo loo diray guddiga madaxa bannaan ee soo
xulidda Baarlamaanka, AMISOM, dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya,
Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsan siyaasadda
Soomaaliya in lagu tumayo xaqa beeshu u leedahay inay iyadu xulato
xubnaha Baarlamaanka u matalaya.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|