Somali News
    Hees  

Al-Shabaab: "Waxaan wacad ku mareynaa in dowlada kenya khasaaraha ay noo geysatay labo jibaarkiisa aan gaarsiin doono oo aan ka geysan doono gudaha dalkeeda "

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-Shabaab: "Waxaan wacad ku mareynaa in dowlada kenya khasaaraha ay noo geysatay labo jibaarkiisa aan gaarsiin doono oo aan ka geysan doono gudaha dalkeeda "

Maamulka Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka ee dagaalka kula jira Ciidamada dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ayaa waxay hanjabaad adag ujeediyeen dowlada kenya, waxayna sheegeen inay dhibaato badan ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee goboladda jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo ka hadlayay duqayn uu markab dagaal u geystay magaalada kismaayo 12 Augosto habeenkii Axada ayaa sheegay in duqayntaas ay ka dambeysay dowlada kenya, isla markaana ay dhibaatooyin badan u geysateen dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay Ma'uulkaasi u hadlay Al-Shabaab in dhibaatada diyaaradahaasi ay wax ku noqdeen caruur aad u da'yar, waxaana uu meesha ka saaray in duqayntaas uu khasaaro ka soo gaaray Al-Shabaab.

Sarkaalkaasi u hadlay Al-Shabaab ayaa ku hanjabay Kenya inay ka aargudsan doonaan Al-Shabaab, khasaarihii ay ka geysatay Kenya magaalada Kismaayo labo jibaarkiisana ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya.

"Waxaan wacad ku mareynaa in dowlada kenya khasaaraha ay noo geysatay labo jibaarkiisa aan gaarsiin doono oo aan ka geysan doono gudaha dalkeeda" ayuu yiri c.raxmaan Xudeyfa" ayuu yiri gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolada jubooyinka .

Dhinaca kale Kenya ilaa iyo hadda ma sheegan duqaynta uu markabka dagaal ugestay magaalada Kismaayo ee ay dadka shacabka ah ku dhibaatoobeen, ha yeeshee dowlada kenya ayaa horay waxay duqayn dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen waxay uga geysatay gobolada koofurta Soomaaliya .

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)