|
Odayaasha beelaha Hawiye oo ka digay in la musuq-maasuqo xildhibaanada
loo soo xulayo Baarlamanka cusub
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Odayaasha beelaha Hawiye oo ka digay in la musuq-maasuqo xildhibaanada
loo soo xulayo Baarlamanka cusub
Odayaasha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo maanta kulan
ku yeeshay
magaalada Muqdisho ayaa ka digay in la musuq maasuqo xildhibaanada
cusub ee baarlamanka Somalia ee soo socda.
Kulanka ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Maxamed Xasan Xaad
gudoomiyaha golaha
dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo halkaas ka aqriyey War-saxaafadeed ka
soo baxay kulankooda, wuxuuna xusay iney ugu baaqayaan odayaasha beelaha iney
soo xulaan xildh0ibaano hufan, howshoodana u qabsadaan qaab cadaalad iyo sinaan
leh.
War saxaafadaeedka ay soo saareen odayaasha beelaha Hawiye ayaa u
qornaa sidatan:-
Ujeedo:
War-saxaafadeed.
Maanta oo taariikhdu tahay 13-8-2012 ayaa waxaa kulan xasaasi ah iskugu yimid
odayaasha Muqdisho, waxayna ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen amaanka
Muqdisho, musuq-maasuq la sheegay inuu ka jiro habka xilida baarlamanka, u
sinaan la’aanta musharaxiinta ee warbaahinta dowlada iyo baahida loo qabo in
xubnaha ee baarlamanka ay noqdaan kuwo lagu soo xulo karti aqoon iyo waayo
aragnimo.
Gebagebadii kulankaasi waxay odayaashu dood dheer iyo falanqeyn ka dib
soo saareen War
saxaafadeedkan:-
1) Ugu horeyntii waxay bogaadinayaan ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM
guulihii is dana jooga ahaa ee ay ka gaareen soo celinta nabada magaalada
Muqdisho, taasoo keentay in Soomaali badan ay dalka ku soo laabtaan,
hase ahaatee
waxay odayaashu ka digayaan ineysan carqalad ku imaanin amnigaas xiligan lagu
jiro ololaha doorashooyinka, waxayna ugu baaqayaan dowlada iyo murashaxiinta
iney iskaashi ka sameeyaan ilaalinta amaanka.
2) Dhaqanku waa dhaxalka qura ee u haray ummada Soomaaliyed markii ay wax kasta
burbureen, maanta oo loo fadhiyo iney KMGnimada dalka ka saaraan waxaan ka
digeynaa in lagu fududaado ku eedeeynta odayaasha ee musuqmaasuqa, waxaana ugu
baaqeynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee ku howlan xulida xubnaha Baarlamanka iney la
yimaadaan cadaalad iyo hufnaan soona xulaan dad aqoon iyo karti leh.
3) Warbaahinta Qaranku waa hanti ka dhexeysa dhamaan ummada Soomaaliyeed, loona
abuuray iney ka shaqeyso danta guud iyo maslaxada umada Soomaaliyeed hadaba
odayaashu waxay diirada saareen sida loogu baahan yahay in warbaahinta
Qaranku si
siman ugu adeegto musharaxiinta, waxayna ka codsanayaan madaxada dowlada iney
ogolaadaan in musharaxiintu adeegsadaan warbaahinta Qaranka ama joojiyaan iney
ololahooda doorashada u adeegsadaan.
4) Odayaashu waxay ugu dambeyn ugu baaqayaan ugu dambeyntii xubnaha cusub ee
baarlamanka iney shacabka soomaaliyed u soo doortaan madax ama hogaamiye leh,
aqoon karti, sumcadna leh dalka dibeda iyo beesha caalamka.
Wabilaahi Towfiiq
Maxamed Xasan Xaad
Gudoomiyaha beelaha Muqdisho




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|