Somali News
    Hees  

Ciidamo Ugadhays ah oo diyaarad la dhacday oo qaarkood la badbaadiyey

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Illaa iyo 7 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dawlada Uganda oo saarnaa Sadeex diyaaradood oo ku bur buray gudaha wadanka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in la bad baadiyay kadib hawlgalo laga sameeyay gobolo ku yaala bartamaha wadankaasi Kenya.

Sida ay ku waramayaan saraakiil Kenyan 7 sarkaal oo kamidahaa rakaabkii saarnaa diyaarad nooceedu ahaa Mi24 oo ku dhacday deegaan buuralay ah ayaa hadda la geeyay garoon ay ciidamada cirka Kenya ku leeyihiin magaalada Nanyuki halkaasoo qaarkood lagu daweynayo.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya oo caawa saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in saraakiisha labad baadiyay ay wada caafimaad qabaan inkastoo uu ugu daranyahay bilootkii waday.

Hawl galo kale oo lagu baadi goobayo saraakiishii iyo ciidamadii diyaaradahaasi saarna ayaa wili socda waxaana wararka qaar sheegayaan in mid midah diyaaradaasi ay ku dhacday meel u dhaw xadka Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Uganda qaarkood ayaa ku waramaya in diyaradahaan logu talo galay inay ka qeyb galaan hawlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ku qasbanayaan magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)