|
Ciidamada Dowlada oo qorsheenaya Howlgalo ay ka sameenayan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo dhawaanahan lagu u gaarsanayahay Indhaha Shacabka
Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowlada oo qorsheenaya Howlgalo ay ka sameenayan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo dhawaanahan lagu u gaarsanayahay Indhaha Shacabka
Tiradii ugu badneed ee Suxufiyiinta lagu dilay Muqdisho Sanadkan ayaa waxaa Kawaan u noqday Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo dadka degmooyinkaas ku nool aan marnaba Xukunka Kooxda Alshabaab hoostagin.
Dilkii ugu dambeyay ayaa maanta waxaa Degmada Dharkeenley logu geystay Yuusuf Cali Cismaan ( Fareey ) oo ahaa Qabiir dhinaca Saxaafada Soomaaliya iyadoo Kooxdii dishayna ay isla markiiba goobta ka baxsadeen.
Muqdisho ayaa noqotay meel lagu ugaarsado dadka qiimaha ugu fadhiya mushtamaca si ay Soomaalida u noqdaan kuwa aan waxba isdhaamin .
Dowladu waxaa ay xooga saartaa sidii ay ku qabsan laheed dhul baaxad leh taas badalkeed kooxaha Dhagar qabayaashu waxaa ay ku dadaalaan sidii ay dadka Indhaha uga tuuri lahaayeen iyagoo laynayaa Labeenta Shacabka hadii ay ku suganyihiin Suuqa Goobaha Shaqada Goobaha alle lagu caabudo oo Masaajidu ay ka midka yihiin.
Waa Suxufigii siddeedaad ee Muqdisho lagu dilo Sanadkan 2012 Mar walba oo ay guul daro la kulmaan Kooxaha Dhibaatada ku haaya Umaada Soomaaliyeed waxaa ay dilaan dadka Muhiim ah oo Soomaalida ay Xusuusan doonto.
Ciidamada Dowlada ayaa wada Qorsho ay doonayaan in ay si gaar ah ugu ugaarsadaan Kooxaha dhibaatada ku haayaa shacabka ee dabargooyinta ku haaya dadka wax bartay ee hogaaminta Mustaqbalka Soomaaliya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|