Somali News
    Hees  

Baadiri Keenyaati ah oo xalay lagu Dilay gudaha magaalada Mandheera

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Baadiri Keenyaati ah oo xalay lagu Dilay gudaha magaalada Mandheera.

Kooxo ku hubaysan bastoolado ayaa xalay magaalada Mandheera ku dilay Baadiri dhalashadiisu tahay Kenyaati, iyadoo kooxihii dilkaasi gaystay u baxsadeen dhinaca Degmada Baladxaawo ee Gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa saakay howlo baaritaano ka wada Magaalada Mandheera oo lagu Baadi goobayo ragii Ka danbeeyay Dilka loo Geystay Baadarikaani u dhashay Kenya.

Howlgaladaani ay wadaan Ciidamada Amaanka ee Magaalada Mandheera ayaa la sheegayaa in lagu soo qabqabtay dad fara badan, iyadoo dadkaani la soo qabqabtay ay yihiin Soomaalida degan magaalada Mandheera.

Dhinaca kale dilka Baadirigaan ayaa ku soo aadaya xilli Al-Shabaab ku dhawaaqday inay ka aargudan doonto Dowladda Kenya duqaynta ay magaalada Kismaayo ka gaysatay habeen hore.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)