Somali News
    Hees  

Al-Shabab oo lagu eedeeyay inay caruur u adeegsadaan isqarxinta

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-Shabab oo lagu eedeeyay inay caruur u adeegsadaan isqarxinta

Sida maanta lagu qoray wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa wadanka Ingiriiska Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta ayaa caruur yar yar oo ay qafaasheen ay u adeegsadaan falalka ay ka mid yihiinis qaraxinta.

Wargeyskaan oo soo xiganaya qubaro iyo saraakiil ka tirsan kuwa Midawga Africa ee AMISOM tiro badan oo caruur ah oo Shababku ka qafaasheen xaafadooda iyo goobo ay wax ka baraneeyn ay ka dhaadhiciyaan caruurta inay is qarxiyaan si ay Janno u galaan.

Neil Doyle waxaa uu ka mid yahay saraakiisha la dagaalanka argagixisada ee dalka Ingiriiska waxana uu u sheegay wargeyska warbixintaan qoray ee Daily Mail in dagaalyahanada Shabab ku jiraan caruur yar oo ka qeyb qaata dagaalada sidaasookalena fuliya weerara is qarxinta ah.

Sarkaalkaan ka tirsan hay’adaha amaanka Ingiriiska waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhawrkii sanno ee lasoo dhaafay ay Shabab caruur badan ka dhaadhiciyeen inay is qarxiyaan.

Sidoo kale wargeyska warbixintaan maanta qoray oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga ayaa sheegay in hawlgalo muqdisho laga sameeyay ay ciidamadu ku heleen tiro caruur ah oo lugaha ka katiinadaysan oo sida la sheegay Shababku damacsanaayeen inay u diraan inay fuliyaan weeraro is qarxin ah.

Caruurta la helay oo 7 ka koobnaa ayaa wargeysku ku waramayaa inay da’doodu ka yareyd 10 sano jirro.

Caruurtaan ayuu wargeysku ku waramay in loo xir xiray si aysan u baxsan waxana ay warbixintu intaa ku daraysaa in laga dhaadhiciyay inay is qaraxiyaan si ay Janno u galaan.
Caruurta yar yar ee Shababka ku jira qaarkood waalidood waxba kalama socdaan waxa ay caruurtoodu ku sugan yihiin.

Xarakadda Al-Shabab iyodawlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inay caruur yar yar dagaalada u adeegsadaan walaw ay dawlada KMG ay saxiixday heshiiska mamnuucaya in caruurta la askareeyo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)