Somali News
    Hees  

Labo ka mid ah diyaaradihii Uganda ay waysay oo la sheegay inay bur bureen

Mogadishu Isniin 13 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Labo ka mid ah diyaaradihii Uganda ay waysay oo la sheegay inay bur bureen

Afhayeenka ciidamada booliska wadanka Kenya Eric Kiraithe oo maanta war kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay kawar heleen in 2 ka mid ah diyaarado la la’yahay ay ku dhaceen qeybo ka mid ah wadanka Kenya.

Afhayeenku waxaa uu xusay in baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen in labadaan diyaaradood ayku dhaceen deegaano uuka mid yahay deegaanka Meru la yiraahdo iyo deegaan kale oo lagu magaacabo Mt Kenya sida afhayeenku sheegay.

Eric Kiraithe waxaa uu sheegay in inkastoo ay jiraan wararkaas haddana ay deegaanadaasi udireen kooxo gurmad ah iyociidamado boolis ah siloo baadi goobo cida ka bad baaday shilalkaasi.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa tabinaya in dad deegaanadaasi degen ay soo warinayaan in diyaaradahaasi dhaceen oo aybur bureen inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wargeyska New Vision oo ka soo baxa wadanka Uganda ayaa ku waramaya in madaxda wasaaradda gaashaandhiga dalka Uganda ay kudhawaaqday in baaritaano deg deg loo sameeyo.

Wargeysku waxaa uu ku waramayaa in diyaaradahaani ay sideen 28 sarkaal oo ciidamada cirka Uganda ka tirsanaa kuwaasoo Muqdisho kusoo wajahnaa si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliyabishaan dabayaaqadeeda ka dhaceysa

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)